Blog

Cilmiga, Caqliga iyo Guurka – Gabar Cilmi iyo Caqli Leh Lama Dhaqan Karo, Qaybtii 1aad

 

Maalmahaan waxaa soo badanaya video clips ay ku jiraan dad calaamado diin ka muuqato oo astaamihii culimada leh hadana dumarkii Soomaaliyeed hadalo meel ka dhac ku ah ku hadlaya ama kaftan ha u dhaheen, ama gaf ha u dhaheen, ama ula kac ha u dhahaane.

Qoraalkan waxaan kula hadlayaa umada Soomaaliyeed anoo ka faaloonaya fikiradaha noocaas ah ee dumarka lagu liidayo. Fikradahaas oo khatar ku ah diinta Islaanka iyo dadka Islaankaba. Fikradahaasi inkastoo ay ka qoto dheer yihiin kana khatar badan yihiin hadalada video yadaas ku jira, waxayse igu dhiiri galiyeen in aan ka falceliyo loona baahanyahay in laga hadlo oo layska daweeyo fikradaha noocaas ah.

Video yadaas isoo gaaray iguna dhiiri galiyay qoraalkan in aan qoro waxaa ka mid ahaa hadaladan hoos ku qoran iyo mid aan anigu goob jooga ka ahaa, waxaana ka mid ah:

  1. “Gabadha dugsi quraan basa la geeyay ama aabaheed iyo walaalaheed wax bareen ee guriga jooga iyo mida iskuulka kasoo baxday isku xurmo maaha, isku xishood maaha, isku sariig maaha, isku damqasho maaha. Wadooyinkay kugu jiiri, xabadkay kugu qaadi inaad ka leexato maahe kaama leexanayaan…” Halkan wuxuu sheekhu ku tilmaamayaa gabdhaha wax bartay dad aan xishood lahayn.

 

  1. “…Gabar jaamacad ka soo baxday oo saalixa lagu soo taba baray ma aragteen idinka? Abadan!” Halkan sheekhu wuxuu tilmaamayaa in PhD iyo guurku is qaadan karin oo is diidayaan. Sheekh Maxamed Kenyawi, hadalkiisan gabdho badan ayaa ka carooday raali galin wuu ka bixiyay.

 

  1. “Hebla way caqli badan tahayna, dumarkana ceeb bay ku tahay ragana amaan. Waayo kaartooyinkoo dhan bay fahmaysaa…” Halkan sheekhu wuxuu tilmaamayaa in guurka iyo caqligu is diidan yihiin oo gabar caqli leh aan la dhaqan karin.

 

  1. Waxaan goob joog ka ahaa macalin Masjid Minneapolis ku yaal macalin ka ah, gabdho machadka ay mudo laba sano kabadan diinta ku baranayeen ka qalinjabinaya ku tilmaamay bilaa akhlaaq, bilaa Sharaf iyo bilaa diin isagoo sababaysanaya in ay ka hadleen xafladii qalin jabintooda oo kalmado kasoo jeediyeen. Wuxuu waliba ku daray, “Ma rag ka hadlaa la waayay.”

 

Hadaba markaan maqlay hadaladaas iyo hadalo badan oo aniga iyo dumarka waxbarta lagu dhaho sida: maxaad wax kabaranaysaa jikaa kuu danbayne, gabar wax baratay guur ma rabto, naag caqli leh lama dhaqan karo iyo hadalo badan oo noocaas ah ayaan go aan saday in aan ka faaloodo. Hadaladaasi waxa ay salka ku haya fikrado khaldan oo diinta islaamka sal iyo raad toona aan ku lahayn. Fikradahaas oo khatar ku ah diinta islaanka iyo umada islaankaba. Siiba dadka iyo dumarka Soomaaliyeed.

Fikradaha aan kaga faaloon doono qoraalkayga waxaa ka mida ah:

  1. Gabadhu waa inaysan cilmina baran, caqlina yeelan

 

  1. Cilmiga/caqliga iyo guurku isma qaadi karaan

 

  1. Gabari Maxay Cilmi Kabaran, Guri iyo Jiko unbaa u Danbayne?

 

  1. Gabar wax baratay akhlaaq ama xishood maleh

 

Inta aana uguda galin fikradaha khaldan ee weeraraya dumarka cilmigooda iyo caqligoodaba, waxaan rabaa in aan bulshada laba arimood ku baraarujiyo:

  1. Arinka koobaad waa in ay ka feejignaadaan weerarka diinta lagu soo qaadayo. Dadka diinta Islaamka duulaanka ku ah ee neceb diinta, inta badan weerar ka diinta ay ka soo qaadaan waxaa ku jira weerar dhanka dumarka ah. Waxay shaadh diimeed usoo galiyaan dhaqan kaste oo xun oo dadku ay leeyihiin. Dadkaas diinta duulaanka ku ah, waxay inta badan isku dayaan inay diinta kadhigaan diin dumarka xaqooda duudsiisa, diin ogol dumarka in la cabudhiyo, diin ogol dumarka in la bahdilo iyo diin aan dumarka waxba u ogolayn. Run ahaantii waa fursad anagu aan siinay dadkaas diinta neceb hadaynu nahay umada islaamka. Waayo, waxaanu isku qasnay diinteena wanaagsan iyo dhaqamadeena xunxun anagoo diin ka dhigayna. Dhaqamadaas iyo fikrada haas qaar kood hoos ayaan ku xusi doonaa. Hadaba waxaan rabaa in aad feejignaato oo wax walba oo diinta lagu durayo aad kala garanayso cida uu kayimi, waxay uga dan lahaayeen iyo saamaynta ay bulshada ku yeelan karto.

 

 

  1. Arinka labaadna, waa in aan ka feejignaato weerarada culimada lagu soo qaadayo. Dadka diinta duulaanka ku ah meesha kale oo ay duulaanka ku qaadaan waa culimada. Culimadu waa dadka soo gudbinaya diinta, waa tuubadii diintu inooga soo baxaysay. Marka hadii dadkii waxa soo gudbinayay ay ku guulaystaan in ay wiiqaan oo ay xidhaan tuubadii diintu inooga soo baxaysay, waxaa u sahlanaanaysa in ay weeraraan waxii ay soo gudbinayeen. Waxaan rabaa in aan inagu baraarujiyo in aan ka feejignaato in aan seef la bood noqono, oo culimadeena maalinba mid aan ka takhalusno, warkoodoo danbena aan la qaadan. Marka Soomalidu waxay dhahaan, hubsiimo hal baa la siistaa ee markaste aan xusuusnaano in culumadu banii aadam yihiin. In gaf kadhici karo, in ay wax khalada ku hadli karaan iyo in dhaqamadoodu saamayn ku yeelan karaan aragtiyadooda goonidaa taas oo ka duwan diinta Alle. Waxaadna ogaataa, qofkaste oo muuqaalka culumo uga eg machaneedu maaha in ay culumo yihiin. Waa inaynu feejignaanaa oo kala garan culumada dhabtaa iyo kuwa culumo isku ekaysiinaya ee fikradaha khaldan umada ku dhex faafinaya. Tan kale, Soomaali hadaynu nahay waynu ognahay dad badan oo dumarka liida oo wax ka sheega ayaa inagu jira culumo iyo caamaba, mid wax bartay iyo mid aan wax baranba, mid taajira iyo mid saboolaba, mid siyaasiya iyo mid xamaashaba. Marka waxaa is waydii leh, dadka culumada ama dadka culimada muuqaalka uga eg clips kooda yar yar soo jaraya waxa ay ugala jeedaan? Maxay tahay sababta aysan cudurka umada ku jira u weerarayn si guud balse ay u weerarayaan culumada ama qof kaste oo astaan diin ka muuqato oo wax khalada ku hadlay markay noqoto xaga dumarka?

 

Hadaba akhristow, waakan faaladaydii fikradaaha khaldan ee aan kor kusoo xusay. Fikradahaa khaldan ee shaadkha diinta loo soo galinayo wax sal iyo raad toona ah aan diinta ku lahay. Akhris wacan, wixii falcelinana waa xagiina.

Cilmi iyo Caqli Toona Waa Inaysan Dumarku Yeelan

Fikirkan ah waa in gabadhu cilmi iyo caqli toona ayasan yeelan waa fikir aan diinta Islaamka sal iyo raad toona aan ku lahayn. Aad uguma dheeraanayo qodobkan, waxaan kaa tusayaa meel yar oo ah kaliya in aad is waydiiso sababta Ilaahay kuu abuuray.

Horta adiga maxaa Ilaahay kuu abuuray? Raga muxuu Ilaahay u abuuray? Dumarka muxuu Ilaahay u abuuray? Jinka iyo insigaba muxuu Ilaahay u abuuray?

 

Jawaabta Allah ayaa in inoo sheegay oo yiri,

“وَمَا خَلَقْتُ الْجِنَّ وَالْإِنسَ إِلَّا لِيَعْبُدُونِ”

“And I did not create the jinn and mankind except to worship Me.” (Sahih International, 51:56), “

“Jini iyo Insi waxa cibaadadayada ahayn uma abuurin.” (51:56)

 

Waxa uu Ilaahay inoo abuuray waa in aan isaga kaliya caabudno. Ilaahay caabudidiisana wuxuu ka hor mariyay oo ku xiray in aan naqaano oo aan cilmi u leenahay.

Allah wuxuu yiri,

فَاعْلَمْ أَنَّهُ لَا إِلَٰهَ إِلَّا اللَّهُ”

So know, that there is no deity except Allah” (Sahih International, 47:19)

Ogow in Eebe mooyee Ilaah kale [Oo xaq lagu caabudo] jirin…” (47:19)

 

Caqliguna waa shay wax lagu garto oo wax lagu fahmo. Waa wax ku garan siiya jiritaanka Ilaahay. Waa wax uu Ilaahay bixiyo, mana aha wax raga ama dumarka midkood gooni u ah.

Allah wuxuu yiri,

“يُؤْتِي الْحِكْمَةَ مَن يَشَاءُ ۚ وَمَن يُؤْتَ الْحِكْمَةَ فَقَدْ أُوتِيَ خَيْرًا كَثِيرًا ۗ وَمَا يَذَّكَّرُ إِلَّا أُولُو الْأَلْبَابِ”

“He gives wisdom to whom He wills, and whoever has been given wisdom has certainly been given much good. And none will remember except those of understanding.”(Sahih International, 2:269)

“Wuxuu siiyaa Xigmo cidduu doono, ruuxii lasiiyo xigmona waxaa la siiyay khayr badan, waxaa waantooba oon kuwa caqliga leh ahayna ma jiro” (2:269)

 

Marka cilmi iyo caqli inaad leedahay waa laga ma maarmaan, waana shay waajib ku ah qof kaste oo muslim ah dumar iyo ragba. Sida aad ka aragto aayadaha Ilaahay ee kor ku xusan iyo kuwo badan oo aanan sheegin, Ilaahay ma dhihin raga kaliya ayaa cilmi laga rabaa, oo caqli laga rabaa ee waa wax laga rabo qof kate oo muslim ah oo aan qalinka laga qaadin.

Fikirka ah dumarku cilmi waa inaysan baran, caqlina yeelan waa fikir aan diinta Islaamka sal iyo raad toona ku lahayn ee haku kadsoomin.

 

Lasoco qaybta labaad.

11 thoughts

Leave a Reply