Blog

Dalka Maraykanka, Dadka Madow iyo Soomaalida

May 25, 2020 ayaa waxaa magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ka dhacay dil aad u gilgilay qofkaste oo arka. Waxa ay afar nin oo booliska Minneapolis ka tirsanaa ay dileen nin madow ah oo la yiraahdo George Floyd. Dilkii Floyd waxa duubay dad meesha goob joog ka ahaa oo baraha bulshada kusoo shaac bixiyay sida arxan darada ah ee loo dilay Floyd. Waxaa aad uga carooday dilkii arxandarada ahaa ee loo gaystay George Floyd dadkii Maraykan ka ahaa iyagoo nooc walba iskugu jira. Kadib waxaa magaalooyin badan ka bilawday mudaharaadyo iyo qalalaaso looga soo horjeedo dilkii loo gaystay George Floyd. Afartii askari shaqadii waa laga cayriyay, ilaa hadana hal nin kaliya ayaa laga xiray. Dadka shacabkaa ee mudaharaadaya waxay doonayaan in la xiro afartii askari ee ka qayb qaadatay dilkii loo gaystay Floyd. Mudaharaadyadan waxaa qayb wayn ka qaatay dadka Soomaalida ah ee dalka Maraykanka dagan.

Dad badan ayaa baraha bulshada igu waydiiyay suaalo aan run ahaantii aad ula yaabay. Suaalahaas oo ay ka mid yihiin, Soomaalida maxaa dadka madow ka galay oo ay ugu mudaharaadayaan? Soomalidu wadan aysan u dhalan maxay dadkii wadanka u dhashay ugu eryanayaan? Soomaalidu may danahooda raacdaan oo qalalaasaha ka socda gobolka Minnesota faraha kala baxaan? Soomaalidu may dhibaatooyinka Soomaaliya ka dhacaya ka hadlaan? Qoraalkan waxaan jeclaysatay in aan kaga jawaabo suaalahaas anigoo waliba idinla wadaagaya fikirkayga dilkii George Floyd ee Minneapolis, Minnesota lagu dilay 25kii May 2020 iyo waxa hadaynu nahay Soomaalida Minnesota dagan ina la gudboon.

Inta aana ugalin jawaabtayda suaalahaas iyo fikirkayga, waxaan idin la wadaagayaa laba qodob oo hadalkayga gogol dhig u ah. Qodobka koobaad oo ah taariikh guudmar ah ee dalka Maraykanka iyo halgankii dadka Madow ee dalkan. Qodobka labaad oo ah dalkan Maraykanka marka la joogo ama xagiisa laga eegayo, dadka Soomaalidu cida ay yihiin.

Hadaan u galo galo guudmarka taariikhda halgankii dadka Madow ee dalkan Maraykanka ee loo yaqaano African American ama Black, waa dad awoowyadoodii hore boqolaal sano ka hor laga soo xoogay ama xaday dalalkoodii hooyo ee qaarada Africa. Dadkaas waxaa la bilaabay in xoog iyo maquunsi lagu adoonsado oo lakala iibsado. Waxaa bilawday halgan ah in la joojiyo adoonsiga dadka banii aadamka ah. Halgankaa waxaa lagu guulaystay oo la mamnuucay adoonsiga 1865kii. Halgankii halkaa kuma istaagin oo wuu soo jiitamayay ilaa laga soo gaaray 1950dii iyo 1960dii iyadoo loogu magac daray Civil Rights Movement oo ah halgan loogu jiro dadku inuu sinaado, in midab takoorka la joojiyo, iyo in caddaalad lagu xukumo dadka. Maanta waxa socda waa uun halgankii dheeraa ee marba nooca isku badalayay maantana la magac baxay, Black Lives Matter.

Halganka dheer ee boqolaalka sano ay soo wadeen dadka Madow wuxuu dhaliyay guulo aad u farabadan oo ay maanta Soomaalidu ka faaiidaysteen oo iyagoo shalay yimi wadankan ay xuquuqo badan ku heleen. Waxaa ka mid ah qofku inuu codayn karo oo dooran karo cida madaxda u noqonaysa. Waxaa kamida qofku baaburta shacabku raaco meesha uu rabo ee banana uu ka fariisan karo. Waxaa kamida qofkna in aan waxbarasho laga takoorin oo uu qofku iskuulkii u dhaw uu aadi karo ama jaamacaduu rabo uu buuxsan karo. Waxaa kamid ahaa in ay sharciga mamnuuc ku tahay in qof shaqo loogu diido dhaqankiisa, diintiisa, ama qolada uu yahay. Waxaa ka mida in uu qofku madaxnimo isku soo sharixi karo oo aan midab takoor loogu diidi karin ahna mida keentay in anagoo wadankan mudo sodon sano ka yar aan doorano dad Soomaali ah oo gobolkan matala madaxna ka noqda sida Ilhan Cumar, Hodan Xassan, Abdi Warsame, Moxamad Nuur iyo dadkaloo lamida. Soomaalida Maraykan sababta ay ku aan ugu joogno wadankan nabada, xaqa aan ugu helnay, oo aan xoriyadda ugu noolnahay waa dhididkii, dhiigii iyo dhacaankii walaalaheena Madow. Hadaba waxaa is waydiin mudan, waayo cida aan taageerayno ama garab istaagayno halgankooda aana ahayn walaalaheena Madow? Ma jiro halgan Maraykan ka jira oo ka mudan oo inooga saamayn badan halganka dheer ee ay boqolaalka sano soo wadeen walaalaheena Madow ee dalkan Maraykanka.

Qodobka labaad oo ah, horta Soomaalida maraykanku yay yihiin? Qolodee bayse ka tirsan yihiin?  Wadankan sidee looga arkaa? Iyaguna side bay isku arkaan? Marka la eego dalka Maraykanka ah waxaa madow loo yaqaan qof kaste oo Africa asalkiisu kasoo jeedo marka laga reebo waqooyiga Afrika. Waxaa madow lagu tiriyaa dadkii wakhtigii adoonsiga awoowyadood xooga lagu keenay iyo dadka dhawaan Afrika ka yimi sida Soomaalida, Itoobiyaanka, Kenyanka, Nigerianka, IWM. Waaxda tirakoobka ee dawlada Marykanka ayaa waxay u qaybisaa dadka maraykanka ah shantan qolo:

  1. American Indian ama Alaska Native – waa dadka kasoo jeeda qaarada Maraykanka asalkeedii dadkii lahaa ee loogu wada yimi.

 

  1. African America / Black – Dadka asalkoodu kasoo jeedo qaarada Afrika marka laga reebo woqooyiga Africa ama dadka Carabta ah. Waxaa ku jira dadka bariga Afrika daga sida Soomaalida, Oromada, Canfarta IWM.

 

  1. Asian – waa dadka ka soo jeeda qaarada Aasiya sida bariga fog, koonfurta bari ee Aasiya sida Hindiya, Shiinaha IWM.

 

  1. White – waa dadka asalkoodu kasoo jeedo qaarada Yurub, Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Africa. Dadkaas oo ay Carabtu ku jirto.

 

  1. Dad qolooyinka kor ku xusan oo isku jira kasoo jeeda ama aan korba lagu xusin.

Sida aan kor ku xusay dalka iyo dawlada Maraykanku waxay ay madow u arkaan dadka asalkoodu kasoo jeedo qaarada Afrika marka laga reebo dadka Carabtaa oo daga waqooyiga Africa. Mana kala saaraan qofkii shalay yimi iyo qofkii ka awoow ka awoow dalkan joogay.

Hadaba Soomaalida Maraykanku iyagu yay isu arkaan in ay yihiin? Soomaalida Maraykanku sadex qaybood ayay ukala baxeen marka ay noqoto cida ay isku arkaan in ay yihiin. Qaybta koobaad waa kuwo aaminsan in ay madow yihiin oo aan wax farqi ah haba yaraadee u dhaxayn iyaga iyo dadkii boqolaal sano kahor awowyadood adoonsiga lagu keenay dalkan. Qaybta labaad waxa ay aamin sanyihiin in aysan madow ahayn ee ay yihiin dad Soomaali ah, asalkoodiina Carab ah. Qaybta sadexaadna waa dad aaminsan in ay soo hoosgalayaan dalada guud ee dadka madow maadaama ay kasoo jeedaan qaarada Africa hase yeeshee ay ka dhaqan, taariikh iyo af duwan yihiin dadka madowga ah ee dalkan ay ugu yimaadeen. Adigu kuwee ayaad raacsantahay? Waxaa kaloo is waydiin mudan, waxaa  ladilay qof banii aadam ah maxaa meesha keenay cida aan nahay? Maxay dadka qaar u sababaysanayaan inaanu madaw ahayn oo ay u diidayaan caddaalada in ay garab istaagaan?

Gogol dhig kadib, aan usoo noqdo suaalihii lay waydiiyay ee ahaa Soomaalida maxaa mudaharaadka ka galay? May meel fariistaan oo danahooda raacdaan? Suaalahan waxaan kaga jawaabayaa laba qaybood.

Tan koobaad, Soomaalidu in ay cadaalad u doodaan, in ay nabad ku mudaharaadaan oo muujiyaan in ay ka soo horjeedaan cunsuriyada, dhibta, iyo dilka shacabka waa danahooda. Waa waajib saaran qof kaste oo Soomaali ah oo dalkan ku nool. Dilka, dhaca, dhibka, midab takoorka iyo xag jirnimada dadka madow lagu hayo maaha wax iyaga kaliya saamaynaysa ee waa wax saamaynaya dadka oo dhan. Soomaalidu waxay ku maah maahdaa, walaalkii loo xiiryow adna soo qoyso. Dalkan Soomaalida iyo dadka kale isku sharci baa qabti, sharciga goldalooladiisa hadaan la sixina dhibaatadu cid kaste oo dalkan ku nool way saamaynaysaa. Dadka Soomaalida ee dalkan ku nool waa dad ka tirsan umadaha asalkoodu kala du duwanyahay ee dalkan ku nool. Soomaalida Maraykanku hadii aysan kasoo horjeedsan xad gudubka iyo xumaanta lagu hayo dadka kale ee Maraykanka la ah, waa mid aysan iyaguna ka badbaadayn. Wakhti unbaa ka xiga in Soomaalidana loo soo jeedsado hadii aysan hada ka hortagin. Dhibaato lagu hayo dad aad dal wadaagtaan oo laga yaabo in ay qaarkood asxaabtaada yihiin, macalimiintaada yihiin, dariskaaga yihiin, kula shaqeeyaan, iskuul kula dhigtaan, dhakhaatiir kuu yihiin ama siyaabo kale noloshu isku kiin keento miyay adiga gaa maqnaanaysaa? Sida aan horay gogol dhigii ugusoo tabiyay, waxaan maanta ku noolnahay oo aanu ka faaiidaysanaa halgankii dheeraa ee ay walaalaheena Madow soo galeen. Waxaan wadankan ugu joognaa waa dhididkoodii, dhiigoodii iyo dhacaankoodii ay soo hureen.

Tan labaad, Soomaalidu waa dad muslimiin ah. Diinta Islaamkuna waxay na faraysaa in cadaalada iyo xaqa aan garab istaagno. Ilaahay nafta banii aadamka wuu karaameeyay wuxuuna na amray in aan dhawrno. Sidee ayaanu dhawran karnaa cadaalad daro iyo dhibaato qof banii aadam ah loo gaysanayo anagoo waliba muslimiin sheeganayna? Sidee ayaan isaga indho tiri karnaa gardaro cad dil loogu gaysanayo dad walaalaheen ah oo run ahaantii halgankoodii dheeraa aynu ka faaiidaysanay?

Ilaahay wuxuu yiri:

مِنْ أَجْلِ ذَٰلِكَ كَتَبْنَا عَلَىٰ بَنِي إِسْرَائِيلَ أَنَّهُ مَن قَتَلَ نَفْسًا بِغَيْرِ نَفْسٍ أَوْ فَسَادٍ فِي الْأَرْضِ فَكَأَنَّمَا قَتَلَ النَّاسَ جَمِيعًا وَمَنْ أَحْيَاهَا فَكَأَنَّمَا أَحْيَا النَّاسَ جَمِيعًا ۚ وَلَقَدْ جَاءَتْهُمْ رُسُلُنَا بِالْبَيِّنَاتِ ثُمَّ إِنَّ كَثِيرًا مِّنْهُم بَعْدَ ذَٰلِكَ فِي الْأَرْضِ لَمُسْرِفُونَ – 5:32

“Saas darteed yaan ugu jidaynay Banii-Israa’iil cidii disha naf aan (dilin) naf ama fasaadin dhulka waxay la mid tahay inuu dilay dadka dhammaan, cidii noolaysa nafna (korisa) waxay la mid tahay isagoo nooleeyey dadkoo dhan, waxay ula timid rasuuladanadii xujooyin markaas in badan oo ka mida intaas ka dib dhulkay ku xadgudbeen.” (Quraan Kariimka iyo Tarjamada Macnihiisa Ee Afka Soomaaliga, 4:32)

Aayadan kor ku xusan, Ilaahay hal naf ayuu yiri. Gaal iyo muslimna Makala saarin. Soomaali, carab, iyo cadaan toona ma uusan sheegin. Nafta banii aadamka waa in la dhawro waana waajib ina saaran hadaynu nahay dad muslimiin ah.

Ilaahay wuxuu kaloo yiri:

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا كُونُوا قَوَّامِينَ بِالْقِسْطِ شُهَدَاءَ لِلَّهِ وَلَوْ عَلَىٰ أَنفُسِكُمْ أَوِ الْوَالِدَيْنِ وَالْأَقْرَبِينَ ۚ إِن يَكُنْ غَنِيًّا أَوْ فَقِيرًا فَاللَّهُ أَوْلَىٰ بِهِمَا ۖ فَلَا تَتَّبِعُوا الْهَوَىٰ أَن تَعْدِلُوا ۚ وَإِن تَلْوُوا أَوْ تُعْرِضُوا فَإِنَّ اللَّهَ كَانَ بِمَا تَعْمَلُونَ خَبِيرًا – 4:135

“Kuwa (Xaqa) Rumeeyow noqda kuwo u istaaga caddaalad oo ah marag Eebe, naftiinnaba ha ahaato ama waalidkiin ama qaraabo, hadday hodan yihiin ama faqiir Eebaa u mudnaansho badan ee ha ka raacina hawada inaad caddaalo fashaan, haddaadse iilataan ama jeedsataan Eebe waxaad camal falaysaan waa ogyahay.” (Quraan Kariimka iyo Tarjamada Macnihiisa Ee Afka Soomaaliga,4:135)

Wuxuu kaloo Ilaahay yiri:

إِنَّ اللَّهَ يَأْمُرُ بِالْعَدْلِ وَالْإِحْسَانِ وَإِيتَاءِ ذِي الْقُرْبَىٰ وَيَنْهَىٰ عَنِ الْفَحْشَاءِ وَالْمُنكَرِ وَالْبَغْيِ ۚ يَعِظُكُمْ لَعَلَّكُمْ تَذَكَّرُونَ – 16:90

Eebe wuxuu fari caddaalad iyo samafal iyo wax siinta qaraabada wuxuuna reebi xumaan iyo munkar iyo gardarro, wuuna idin waanin inaad wax xasuusataan (Quraan Kariimka iyo Tarjamada Macnihiisa Ee Afka Soomaaliga, 16:90)

Wuxuu kaloo Ilaahay yiri:

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا كُونُوا قَوَّامِينَ لِلَّهِ شُهَدَاءَ بِالْقِسْطِ ۖ وَلَا يَجْرِمَنَّكُمْ شَنَآنُ قَوْمٍ عَلَىٰ أَلَّا تَعْدِلُوا ۚ اعْدِلُوا هُوَ أَقْرَبُ لِلتَّقْوَىٰ ۖ وَاتَّقُوا اللَّهَ ۚ إِنَّ اللَّهَ خَبِيرٌ بِمَا تَعْمَلُونَ – 5:8

“Kuwa (xaqa) rumeeyow noqda kuwa istaaga (u darban) dar eebe oo ku marag kaca caddaalad yeyna idinku xambaarin cadhada qoom inaydaan caddaalad falin, caddaalad fala iyadaa u dhaw dhawrsashada (Eebe) kana dhawrsada Ilaahay, Eebe waa ogyahay waxaad falaysaane.” xasuusataan (Quraan Kariimka iyo Tarjamada Macnihiisa Ee Afka Soomaaliga, 5:8)

Siduu Ilaahay inoogu amray aayadaha kor ku xusan, in aan caddaalada garab istaagno waa waajib diini ah oo ina saaran. Qofkaste oo Muslim ahna waxay ku tahay waajib inuu caddaalad falo oo uu garab istaago. Ilaahay wuxuu na faray caddaalad, wuxuuna naga reebay gardarro.

Soomaalida Minnesota dagan waxay garab istaageen caddaalada, waxay u madaharaadayaan oo ay codkooda iyo caradoodaba usoo tabinayaan siduu Ilaahayba faray. Hadii adoo caddaalad darro iyo gardaro arkaya aad iska indha saabto oo aadan waxba ka qaban, ogoow aayadaha Ilaahay baa ku qaban aakhirana waa lagu waydiin. Hadaba hadii ay adiga kula khaldan tahay in ay Soomaalida Maraykanku xaqa iyo caddaalada garab istaagaan, bal adu dib iskugu noqo oo is xisaabi. Caddaalad daradu waa waxa dalkeenii burburiyay. Waa waxa qaxootiga naga dhigay ee aan Maraykan iyo dunida daafaheeda ugu kala baahiyay. Waa waxa ilaa hada ay gayiga iyo guryaha Soomaalidu ka dagi la’yihiin. Ee Soomaaliyeey inta Ilaahay laga yaabo, caddaalda iyo xaq soorka aynu ku dadaalno oon garab istaagno.

Ugu danbayntii, maxaa inala gudban hadii aynu nahay Soomaalida Maraykanka dagan siiba reer Minnesota? Waxaa inala gudban sadexdan arimood:

Arinta koobaad waa in aan cadaalada garab istaagno oo aan ugu hiilino si nabad ah cidkaste oo dhibaato lagu hayo oo gardaro lagu dhibayo ama lagu dilayo sida George Floyd. Siyaabaha aan ugu hiilinkarno ama ugarab istaagi karno cadaalada waxaa ka mid ah in aan codkeena adeegsano, in aan dadka aan dooranay aan la xisaabtano, in aan doorano dad caddaalada ku dadaalaya.

Arinta labaad waa in aanu is aruursano, iska warhayno oo aynu isku taagno ilaashiga guryaheena, ganacsiyadeena iyo xarumaheena kale ee magaalooyinka qalalaasahu ka socdo. Kuweena iyo kuwa dadka dariska inala ah ama xaafadaha iyo magaalooyinka inala dagan cid kasteba ha ahaadeene. Waa in aynu wanaaga dhinaceena ka qabanaa oo dadka meheradahoodii laga gubay wixii awood ah aynu ku taakulaynaa. Waa in aynu dadka magaalada xaaqaya oo wixii la jajabiyay guraya aynu qaybteena ka qaadanaa. Waxaan aad ugu hambalyaynayaa dhaliyarta reer Cedar Riverside ee ukacay in xaafadooda loo dhaartay ay ilaashadaan oo ay habeenkii usoo jeedaan. Waxaan kula dardaarmayaa in ay nabada iyo xasiloonida ku dadaalaan.

Arinta sadexaad waa in aynu markaste waxa saxda ah ee diinteenu ina farayso iyo dhaqankeena intiisa wanaagsan aynu falnaa. Qofkaste oo Soomaali ah ama Muslin ah wuxuu safiir ka yahay Muslimiintoo dhan iyo Soomaalidoo dhan, waa inaynu marka ka fiirsano waxyaalaha qaarkood. Tusaale ahaan, hadii dugaan ama bangi la jabsado oo cid kaste bililiqaysanayso waa in aynu inagu nafteena xakamayno oo aan sumcadeena iyo diinteenaba ilaashano oo aynaan ka qayb qaadan. Xoolo qof iyo hanti qof kale midkoodna xalaal ma aha in la bililiqaysto. Bililiqada, dhaca iyo dilkuba waa wax aan dhaqan iyo diinteena toona ku jirin. Waa wax xaaraan ah. Waa wax aynu u baahanahay inaynu iska ilaalino. Waxaa ceeb inoogu filan gabar xijaaban ama wiil Muslim ah oo bililiqo wax ka guranaya. Sikaste oo aan u caroono, si kaste oo aan u xanaaq marnaba yaysan inaga leexin jidka toosan iyo xaqa. Marnaba yayna na hilmaansiin xoolaha dadka, xoolaha shrikadaha, xoolaha shacabka iyo xoolo ama hanti aynaan lahayn inay tahay khalad, xaaraam ah, oo dhaqan xumo ah inaan boobno. Boolida aynu iska ilaalino.

Waad mahadsantihiin!

Photo credit: Naima Mohamed and Sadiya Hassan, keep fighting for justice my Somali queens!

#BLM #JusticeForFloyd

5 thoughts

Leave a Reply