Blog

Dharaaraha Aduunyada

Dhooleey aduunyada

Dharaaraa la joogaa

Dhawr sano’oo tirisoo

Laga dheelmanayoo

Hadba dhaayaheeduna

Cashar kuu dhigaayaan

 

Dhirbaaxooyin kulul iyo

Dhamac iyo rasaas iyo

Marbay tahay dhunkaal iyo

Nafta waxa dhibaayoo

Lala dhalan gadoomee

 

Dhafaruur bislaatiyo

Dheeman iyo dahabiyo

Marbay dhayda xooliyo

Malab dhiina ay tahay

macaankeedu dheeryahay

 

Dhib markaad la daristaa

Rajadaadu yay dhiman

Hoos u dhicin hankaagii

Dharaaraha kharaarkihi

Ileen way dhamaaniye

 

Markaad dheeman iyo luul

Iyo nimco dhex joogtaa

Hays dhiganin Dhooleey

Dharaaraha macaankihi

Ileen way dhamaaniye

 

Dheemaneey aduunyadan

Dharaarahan is dabayaal

Dhigaa kaad ka doontee

Ku daahartay dhuuxiyo

Unugyada dhamaantood

Haduu calaf ku dhaafshaa

Qadar baan la dhaafine

Ka dhawrsug ayaamaha

Dhooleey wanaagsani

Dhawaan bay imaaniye

 

Ku dheeree salaadiyo

Dheemaneey cibaadada

Adkaartana ha dhiginoo

Ku dhakhtari naftaadoo

Dhaawacii qalbiga iyo

Beerka dhinacyadiisiyo

Sanbabada ku dhacaybay

Dhuxeey daweeyaan

 

Dhaqan sami gobaadeey

Gobanimada dhawroo

Dharaarihii horeeyiyo

Iska dhaaf wixii tagay

Calaf baa ku dhaafshaye

Ku dhardhaar ducooyin

Dhambaal hambalyo gaadhsii

Dhamo dumar wanaag iyo

Ubad dhawra oo wacan

Iyo khayr dhamaantii

Dinac yadiisa buuxshaan

©FadumoYusuf 2020

12 thoughts

Leave a Reply