Blog

Gocasho


Caku ruuxa garashiyo,

Garaad aan lahaynee,

Aan garan dantiisiyo, 

Wuxuu guula farayee, 

Cimri goortu gooyana, 

Gocashada bilaabee, 

Go’e wakhtigi dhaafiyo, 

Taladii uu gees maray, 

Goor danbe shalaayee, 

Ilmada gobo’ ka siiyaa.

 

Caku kii aan garan,

Guulihii abuuroo,

Gees mara xaqiiyoo, 

Goortu geeriyoodee, 

Loo gooyo naartiyo, 

Jahanama gunteedii, 

Gocashada bilaabee,

Go’e wakhtigi dhaafiyo, 

Taladii uu gees maray, 

Goor danbe shalaayee, 

Ilmada gobo’ ka siiyaa. 

 

Caku xilihiisa gube, 

Sida good abeeskii,

Calaf tuu u geeyiyo, 

Raaliyo gobaad iyo, 

Geenyadii hablaha ee,

Gacalka iyo dariskaba,

Hadalkeedu gaadhayn, 

Martida gaari soortoo,

Gurboodkiisa korisoo, 

Aan gafin salaadiyo, 

Wuxuu guula farayee,

Garashiyo damiir iyo,

Cilmi guule siiyiyo, 

Gabdhaha tii u fiicnayd,

Garaaciyo iskugu dara, 

Gasiinkuu ka gooyoo,

Goorti uu dalaaqee, 

Rabbi uga gargaaree, 

Geesi hanta uu siiyana, 

Gooh intuu bilaabaa, 

Go’e wakhtigi dhaafiyo, 

Taladii uu gees maray, 

Goor danbe shalaayee, 

Ilmada gobo’ ka siiyaa. 

 

Caku ruuxa garashiyo, 

Garaadkiisu liitee,

Guryihii cilmiga iyo, 

Goobaha tacliintaba, 

Guule uu dhex geeyoo, 

Gudahooda joogoo,

Cilmiyada gorfaynee,

Mirahooda guranoo,

Iska soo ganbooloo, 

Ganbo aanan faaidin, 

Cimri goortu gooyana, 

Gocashada bilaabee, 

Go’e wakhtigi dhaafiyo, 

Taladii uu gees maray, 

Goor danbe shalaayee, 

Ilmada gobo’ ka siiyaa. 

 

Caku ruux gu’ waynoo,

Guunyo aad u badan iyo, 

Hanti Guule siiyoo, 

Misna aanan garanayn, 

Gada loo ilaashado, 

Aakhirana aan gaysanin, 

Abaal ruuxna ugu galin, 

Ganbo aan ka haynoo,

Gooruu guunyadiisiyo,

Maalkiisi uu gubay,

Gabaw iyo uu joogaa,

Gacantiisa oo madhan,

Gocashada bilaabee, 

Go’e wakhtigi dhaafiyo, 

Taladii uu gees maray, 

Goor danbe shalaayee, 

Ilmada gobo’ ka siiyaa. 

 

Caku ruuxa gacalkiyo, 

Garabkiisa gooyee, 

Aan garan dantii guud,

Dacwadii ka gaabshoo, 

Midkay gaajo dubatana, 

Aan gasiinka siinayn, 

Samo ruuxaan galahayn,

Gacana aan u fidinayn, 

Gargaarkii dulmanihiyo, 

Kaa gasiinka bixin iyo, 

 Gini wuxuu lahaayee, 

Guryahii tacliinta iyo,

Gooba caafimaad iyo, 

Gurigii miskiinkiyo, 

Masaajidda giig tiri,

Goorti uu Ilaahay, 

Xisaabtiisa guda galo,

Gocashada bilaabee,

Go’e wakhtigi dhaafiyo, 

Taladii uu gees maray, 

Goor danbe shalaayee, 

Ilmada gobo’ ka siiyaa. 

 

Ruuxii wadada goyn,

Goonyihiisuu eegaa,

Talaabada intuu guro,

Durba uu ku gooyaa, 

Aduunkana gadaasaa,

Galin laga huleeliye,

Wakhti yuu ku goynine, 

Danahaaga gara oo,

Iska gud xaqii uu, 

Guulaheen Ilaahay, 

Guudkaaga suray iyo, 

Danta guudee umadiyo, 

Danta gaaree qoyskiyo,

Mida goonidaada ah, 

Ficilkaad ku gaadhiyo, 

Gadii aad ku hanan layd, 

Galabtaba bilaaboo, 

Guusha adigu soo hano,

Ama goortii waayiyo, 

Taladuba ku gooyaan, 

Gocashada bilaw iyo, 

Ilmaad gobo’ ka siisaa, 

Gooraad tabar is dayseen. 

 

copyright © Fadumo Yusuf “Derbi” 2021

 

5 thoughts

  • Gocasho
    Garaad garamay gogol dhigiis dheh
    Guud mar hadal iyo giijin erey dheh
    Gacaltooyo hadal iyo gob wax u sheegis dheh
    Gar u hadal iyo gar waaqsi wedheedh dheh
    Guluf nabadeed iyo jacayiil u kala war qaadis dheh
    Goobti lagu arkaba dadka laga garan og dheh!

  • This speaks about the importance of financial literacy… dad badan aniga aan ku jiro baa u baahan

    Caku ruux gu’ waynoo

    Guunyo aad u badan iyo

    Hanti Guule siiyoo

    Misna aanan garanayn

    Gada loo ilaashado

    Aakhirana aan gaysanin

    Abaal ruuxna ugu galin

    Ganbo aan ka haynoo

    Gooruu guunyadiisiyo

    Maalkiisi uu gubay

    Gabaw iyo uu joogaa

    Gacantiisa oo madhan

    Gocashada bilaabee

    Go’e wakhtigi dhaafiyo

    Taladii uu gees maray

    Goor danbe shalaayee

    Ilmada gobo’ ka siiyaa

Leave a Reply