Blog

Hal Ka Baro Halyey Dumar – Qaybta 1aad – BALQIIS

Taariikhda aduunka waxaa soo maray gabdho badan oo muslimiin ah oo ay taariikhdu xustay. Gabdhahaasi waxay aduunka ku soo kordhiyeen wax yaalo badan, waxa ayna qayb wayn ka qaateen isbadalka nolosha dadkoodii. Gabdhahaas taariikhdu xustay waxaan ka baran karnaa casharo badan, waxaanan ka heli karnaa dhiiri galin badan oo aan kor ugu qaadi karno wax tarkeena. Qoraalkani wuxuu bilow u yahay qoraalo is daba joogi doona oo aan kaga warami doono taariikhda gabdhaha Muslimiinta ah ee ay taariikhdu xustay ama aan isleeyahay wax bay aduunka ku soo kordhiyeen. Waxaan qoraalkan ku soo dari doonaa waxa aan gabdhahaas ka baran karno.

Cid taariikhdooda la raaco ama dib loo eego waxaa ugu mudan dadka wanaagsan ee ay diintu inoo sheegtay. Qoraalka koobaad waxaan ku qaadaa dhigi doonaa taariikhdii Boqoradii Balqiis iyo waxa aan ka baran karno. Balqiis waa boqoradda kaliya ee Quraanka Ilaahay inoogu sheegay. Waxay u talin jirtay dad dagaalyahano ah. Dad awood badan iyo xoolo badanba Ilaahay ku manaystay. Waxay ahayd gabar garaad badan oo Ilaahay fiiro dheer, garaad iyo caqliba ku siiyay. Balqiis taariikhdeeda Ilaahay ayaa inooga waramay oo inoogu sheegay suurada 27aad ee Quraanka, surah Namal.

Nabi Suleyman (Calayhi Salaam) wuxuu Ilaahay iskugu daray nabi nimo, boqornimo, wuxuuna siiyay wax aan cid ka danbaysa Ilaahay siin. Ilaahay wuxuu nabi Suleymaan siiyay ciidamo aad u awood badan oo aad u farabadan. Ciidamada Nabi Suleymaan Ilaahay siiyay waxaa ka mid ahaa shimbir Hud-hud ah. Nabi Suleymaan wuxuu ciidamadiisii aadka u farabadnaa ka dhex arki waayay Hud-hudkii. Hud-hudkii oo soo daahay markii uu yimid, wuxuu nabi Suleymaan u sheegay in uu soo arkay haweenay xukunta dad oo wax kasta la siiyay.

“إِنِّي وَجَدتُّ ٱمۡرَأَةٗ تَمۡلِكُهُمۡ وَأُوتِيَتۡ مِن كُلِّ شَيۡءٖ وَلَهَا عَرۡشٌ عَظِيمٞ”

“Waxaan Helay Haweeney Xukumaysa Iana Siiyey wax kasta (oo Xukun ah) waxayna Leedahay Carshi Wayn.”

Hud hudkii wuxuu Nabi Suleyman u sheegay in ay haweenaydaas iyo dadkeedu ay qoraxda caabudaan, una sujoodaan oo aysan hanuunsanayn.

وَجَدتُّهَا وَقَوۡمَهَا يَسۡجُدُونَ لِلشَّمۡسِ مِن دُونِ ٱللَّهِ وَزَيَّنَ لَهُمُ ٱلشَّيۡطَٰنُ أَعۡمَٰلَهُمۡ فَصَدَّهُمۡ عَنِ ٱلسَّبِيلِ فَهُمۡ لَا يَهۡتَدُونَ

“Waxaan Helay Iyada iyo Qoomkeedii oo u Sujuudi Qorraxda Eebe ka Sokow wuxuuna U qurxiyey Shaydaan Camalkooda wuxuuna ka Leexiyey Jidka Mana Hanuunsana.”

Nabi Suleyman wuxuu Balqiis iyo dadkii ay u talinaysay u diray warqad. Warqadaas wuxuu Nabi Suleyman ku qoray in ay u yimaadaan iyaga oo muslimiin ah. Warqadii markii ay Balqiis gaartay, waxay u sheegtay dadkeedii in ay warqadi uga timid Nabi Suleymaan.

قَالَتۡ يَـٰٓأَيُّهَا ٱلۡمَلَؤُاْ إِنِّيٓ أُلۡقِيَ إِلَيَّ كِتَٰبٞ كَرِيمٌ *إِنَّهُۥ مِن سُلَيۡمَٰنَ وَإِنَّهُۥ بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ* أَلَّا تَعۡلُواْ عَلَيَّ وَأۡتُونِي مُسۡلِمِينَ

“Waxayna Tidhi Madaxeey waxaa La ii soo tuuray Warqad Sharaf leh. (Kuna Qoran) Waxay ka Timid Sulaymaan waxayna ku Billaabatay Magaca Eebaha Naxariis Guud iyo Mid Gaaraba Naxariista. Ee Hayska Kay waynaynina iina Imaadda Idinkoo Muslimiina.”

Warqadii markii ay heshay waxay Balqiis la tashatay dadkii madaxda ahaa ee ay talada u haysay. Waxayna u sheetay in ay yihiin dad geesiyiin ah oo xoog badan balse ay go’aanka iyadu ay leedahay maadaama ay boqoradoodii tahay.

قَالُواْ نَحۡنُ أُوْلُواْ قُوَّةٖ وَأُوْلُواْ بَأۡسٖ شَدِيدٖ وَٱلۡأَمۡرُ إِلَيۡكِ فَٱنظُرِي مَاذَا تَأۡمُرِينَ*قَالَتۡ يَـٰٓأَيُّهَا ٱلۡمَلَؤُاْ أَفۡتُونِي فِيٓ أَمۡرِي مَا كُنتُ قَاطِعَةً أَمۡرًا حَتَّىٰ تَشۡهَدُونِ

“Waxayna Tidhi Madaxeey ii Ishaara Amarkayga ma Ihi Mid Goysa Amar Intaad ka Joogtaan. Waxayna Dhaheen Annagu waxaan Nahay kuwo Xoog badan oo Geesinimo Badan, amarkase adaa leh ee Fiiri Waxaad Fari.”

Balqiis waxay u sheegtay madaxdeedii in boqoradu marka ay wadamo qabsadaan ay fasahaadiyaan oo ay dadkeedii sharafta lahaa duleeyaan. Waxayna go aansatay in ay xoolo badan u dirto Nabi Suleymaan si ay u hubsato in uu xoolo doon yahay iyo in uu dacwo iyo dar Alle u socdo.

قَالَتۡ إِنَّ ٱلۡمُلُوكَ إِذَا دَخَلُواْ قَرۡيَةً أَفۡسَدُوهَا وَجَعَلُوٓاْ أَعِزَّةَ أَهۡلِهَآ أَذِلَّةٗۚ وَكَذَٰلِكَ يَفۡعَلُونَ* وَإِنِّي مُرۡسِلَةٌ إِلَيۡهِم بِهَدِيَّةٖ فَنَاظِرَةُۢ بِمَ يَرۡجِعُ ٱلۡمُرۡسَلُونَ

“Waxay Tidhi Xaakimyadu Haday Magaalo ku Galaan (Xoog) way Fasaadiyaan waxayna ka yeelaan Ehelkeeda Sharafta leh kuwo Dullaysan Saasayna Falaan. Waxaanse u Diri Hadyad waxaana Eegi waxay La soo Noqdaan kuwa la Diray.”

Hadyadii ay u dirtay markuu Nabi Suleymaan diiday ayaa waxaa u cadaatay in uu yahay qof dacwo wada xoolog iyo in uu boqortooyo qabsadana aan hadafkiisu ahay. Waxaa u cadaatay fariintii uu u soo diray ee uu ku yiri soo Islaama in ay dhab ka tahay ee uusan Nabi Suleymaan xoolahooda waxba ku falayn.

Balqiis waxay qoomkeedii ka badbaadisay dhigooda oo daata iyagoo markaa isku arkay in ay u babac dhigi karaan ciidamadii Nabi Suleymaan oo aan cidiba u babac dhigi karin. Waxay halkaa ku badbaadisay qoomkeedii oo in la laayo ay ka badbaadisay. Waxaase ka sii muhiimsan oo ay Balqiis ka badbaadisay qoomkeedii, naar. Waxayna qoomkeedii u hor seeday hanuun iyo taqwada Alle.

Quraanka waxaa ku jira boqoro kala duduwan iyo dad madaxa oo kala duduwan. Kuwaas oo dadkoodii naar iyo in la rogo u horseeday ama dadkoodii dulaystay. Waxaa ka mid ahaa fircoon oo dadkiisii dulaystay heer uu gaarsiiyay asagoo banii aadam ah oo la siman ay isaga usujuudaan oo uu ka dhaadhiciyay in uu Ilaah u yahay. Balqiis waxa ay karaamaysay dadkeedii waxa ayna bad baadisay naftoodii aakhiro iyo aduunba.

Balqiis garaadka Ilaahay siiyay waxaa kaloo Ilaahay inagu tusay markii ay u timid Nabi Suleymaan. Nabi Suleymaan wuxuu ciidamadiisii amray in loo keeno kursigii Balqiis inta aysan imaan ka hor. Markii kursigii lookeenay ayuu ku amray in ay wax ka yara badalaan. Markii ay Balqiis timi waxa uu nabi Suleymaan waydiiyay in uu carshigeedi yahay iyo in kale. Balqiis waxay ugu jawaabtay jawaab ka fiirsasho badani ku jirto. Waxay ku tiri waxaad moodaa isagii. Jawaabtaas oo dhinacii loo qaadaba ku saxani, waa jawaab caqliyaysan kuna tusaysa garaadka toolmoon ee Balqiis.

قَالَ نَكِّرُواْ لَهَا عَرۡشَهَا نَنظُرۡ أَتَهۡتَدِيٓ أَمۡ تَكُونُ مِنَ ٱلَّذِينَ لَا يَهۡتَدُونَ* فَلَمَّا جَآءَتۡ قِيلَ أَهَٰكَذَا عَرۡشُكِۖ قَالَتۡ كَأَنَّهُۥ هُوَۚ وَأُوتِينَا ٱلۡعِلۡمَ مِن قَبۡلِهَا وَكُنَّا مُسۡلِمِينَ

“Wuxuuna Yidhi Dooriya Kursigeeda inay Garato iyo Inay Noqoto Cidaan Garanayn. Markay Timid waxaa lagu Yidhi ma sidanaa Kursigaagu, waxayna Tidhi waxaad Mooddaa Isagii (Wuxuuna yidhi) waxaa nala Siiyey Horteed Cilmi waxaana nahay Muslimiin.”

Balqiis waa boqoradii badbaadisay dadkeeda aduun iyo aakhiraba. Waa boqorad Ilaahay garaad iyo garashaba ku manaystay, taariikhduna ay xustay, xusina doonta.

 

Hadaba Balqiis maxaan ka baran karnaa?

  1. Qisada Balqiis waxa aan ka baran karnaa in caqliga ama garaadka Ilaahay bixiyo, qofkii uu rabana uu Ilaahay siiyo. In aan caqliga, garaadka, iyo wax tarka aan cidna gooni u lahayn, qabiilna gaar u lahayn, jinsiyadina gaar u lahayn, dumarkuna gooni u lahay, ragguna gaar u lahayn ee uu Ilaahay qofkii uu doono uu siiyo. Balqiis iyadoo haweenay ahayd ayay boqorad ahayd oo ay waliba dadkii ay u talinaysayna badbaadisay naftoodii aduun iyo aakhiraba badbaadisay. Adiguna, gabareey, saasoo kale ayuu Ilaahay garaad kuu siin karaa una badbaadin kartaa dadkaaga aduun iyo aakhiraba. Ha dhayalsan awooda, garaadka, kartida, iyo wax tarka Rabi kugu manaystaye, meeshii aad ka soo gaarto wax ka qabo.

 

  1. Dadka talada loo dhiibto waxay saamayn aad u wayn ku leeyihiin dadka ay talada u hayaan. Waxaa lagama maarmaan ah in laga fiirsado cida talada loo dhiibanayo. Fircoon oo dadkii uu boqorka u ahaa adoonsaday oo heer uu u sheegto in uu Ilaahooda yahay gaadhsiiyay iyo Balqiis oo hanuun iyo xoriyada dadkeedii u horseeday weeyaan farqiga u dhexeeya masuulka wanaagsan iyo masuulka xun. Marka waxaa la inaga rabaa in aan dadka wan wanaagsan talada u dhiibano. In aan hogaanka umadda siino qof aan dadka dulaysanayn, fisqi iyo xumana aan u horseedayn balse dadka ixtiraami, ilaalini, xorayni, oo waliba dadka banii aadantinimadooda iyo jiritaankooda aan waxba u dhimayn.

 

  1. Waxa kale ee aan ka baran karno Balqiis waa habka ugu wanaagsan ee dad lagu maamuli karo in uu yahay hab la tashi, indheer garadnimo, iyo xog uruusir ee uusan ahayn hab muquunin iyo awood sheegasho. Waxaa muhiim ah qofka hogaanka dadka u haya in uusan awoodaa iyo xoogaa lagu aaminay ee amaanada ah uusan dadka ku cabudhin, ciqaabin, ama ugu xoog sheegan ee uu iyaga kor ugu qaado. Awooda iyo talada qofka gacanta loo galiyay, macnaheedu maaha in uu wax walba uu iska samayn karo oo uu dadka siduu doono u dulaysan karo, ee waa in uu dadka u shaqeeyo meel wanaagsana mariyo. Amaanadii talada ee loo dhiibtay qofkii ku xad gudba dadkana ku dulaysta waxaa inta badan dhacda in ay dhibaato hadhow qofkaa uga timaado oo ay dadku af ganbiyaan. Wiil waal ayaa waxaa laga sheegaa in uu yiri, nin wax walba ku dayayoo, walaal wuxuu ku dhaamo waan waayay. Walaalnimada iyo ixtiraam talo lagu waayay, xoog laguma sii haysan karo oo gooray noqotaba mar unbaa heeryadaa la tuuri. Waxaa tusaale inoogu filan meesha uu ku danbeeyeen dadkii awoodii lagu aaminay iyo taladii ay dadka u hayeen iyaga dib ugula soo jeestay ee ku dulaystay halka ay mareen taariikhdana ka galeen.

 

  1. Balqiis markii uu Nabi Suleyman usoo diray warqada waxa ay goaan ku gaartay in ay hubsato in uu Nabi Suleyman qof xoola doon ah yahay iyo in uu yahya qof dacwo wada. Balqiis markiiba ma aysan ku gacan saydhin walow ay la taliya yaasheedii u sheegeen in ay awood leeyihiin. Markiibana iskama ay raacin oo waa hubsiimo hal baa la siistaaye, waxay u dirtay xoolo badan si ay u tijaabiso hadafkiisa. Balqiis inta aysan dadkeeda go’aan u gaarin ama u talin waxay la tashatay dadkeedii waxayna iska hubisay halka ay u waday dadkeedii. Balqiis waxay ay ka fiirsatay go’aanka ay qaadanaysay waxayna dib u eegtay taariikhda. Waxaa lagama maarmaan ah in qofku ka fiirsado go’aamada uu gaarayo iyo waxa ka dhalan kara. In mar walba hubsiimaha la door bido oo dagdaga la iska ilaaliyo.

 

Hadaba akhristoow, maxaad rabtaa in aad aduunka ku soo kordhiso? Maxaad rabtaa in aad dadkaaga u tarto? Maxaad rabtaa in aad aduunka ka badasho? Sidee ayaad rabtaa in ay taariikhdu kuu xusto? Maalinka aad Ilaaay hor taagantahay, marka u uku waydiiyo waxa aad ku samaysay wakhtigii, xoolihiim, ama cilmigii uu ku siiyay, maxaad rabtaa in aad ugu jawaabta? Muxuu yahay hadafka aad nolosha ka leedahay? Waari mayside, war hakaa haro!

 

Waad mahadsantihiin!

 

4 thoughts

  • Masha allaah abaayo qormo qiimo badan baad nala wadaagtay bulshaduna ay wax badan ka kororsan karaan habkii wanaagsanaa ay boqorad balqiisa wax umaaraysay waana kugu bogaadinayaa dadaalka badan aad ku bxisay sidaa fikrado waxtar leh bulshada ula wadaagi laheed

  • Runtii Waa qoraal baahi wayn loo qabay bulsho ahaan, in la xuso haldoorka dumar ee islaamka iyo waliba Kuwa Soomaaliyeed.

    Hogaamintu kuma xirna qofku cidda uu u dhashay ama jinsiga uu yahay ee waa xirdaf ilaahay dadka ugu deeqo !

    Waan kaga mahad celinaya maqaalkan cilmiyeysan oo runtii akhrintiisuna dhadhamayso.

Leave a Reply