Blog

Hal Ka Baro Halyey Dumar – Qaybta 3aad – Nusaybah Bint Kacab

Waa qaybtii sadexaad ee taxanaheenii Hal Ka Baro Halyey Dumar ee aynu ku qaadaa dhigi jirnay gabdhaha muslimiinta ah ee ay taariikhdu xustay iyo waxa aynu ka baran karno. Hadii aadan akhrisan labadii qaybood ee hore, halkan ka akhriso:

 Qaybtii Koobaad – Boqoraddii caqliga badnayd ee dadkeeda badbaadisay, Balqiis

Qaybtii Labaad – gabadhii furtay jaamacaddii ugu horaysay ee addunka laga furo, Fadumo Al-Fihri

Qaybtan sadexaad waxaanu ku soo qaadanaynaan Nusaybah Bint Kacab iyo cashirada aynu ka baran karno. Nusaybah waxaa kaloo loo yaqaanay Umm Cumaarah iyo Nasiibah. Nusaybah Ilaahay haka raali noqdee waxay ahayd saxaabiyad, waxay ahayd hooyo, waxay ahayd mujaahidad ka qayb gashay dagaalo badan oo ay Rasuulkeena (SCW) iyo saxaabadiisu, Allaha ka raali noqdee, galeen.

Dagaaladii ay Nusaybah ka qayb gashay waxaa ka mid ahaa dagaalkii Uxud, dagaalkii Khandaq, dagaalkii Xunayn, iyo dagaalkii Yamaama. Waxay ka qayb gashay Baycadii labaad ee Caqabah ee ay Ansaar Nabiga balanta la galeen. Waxay kaloo ka qayb gashay Xudaybiya oo waxay ka mid ahayd saxaabadii Nabiga la socday. Nusayba (RA) waxay ahayd gabar Ilaahay sharfay oo uu karti ku manaystay, una doortay in ay ka mid noqoto saxaabadii Nabiga SCW iyo gabdhaha muslimiinta ah ee ay taariikhdu xustay.

            Nusaybah nolosheedii hadaan wax yar ka taabto, waxay ahayd gabar Ansaariyad ah oo ka soo jeeday qabiilka reer Banuu Najaar. Waxay ahayd gabar reer Madina ah. Waxaa guursaday laba nin, oo labaduba soo muslimay oo asxaabtii nabiga ka mid noqday. Ninkeedii hore waxaa la oran jiray Zaid ibn Caasim, waxayna is guursadeen oo ay kala tageen islaamka ka hor. Zaid markii ay kala tageen waxay is guursadeen Qasiya Ibn Camr.  Zaid (RA) waxay u dhashay laba wiil oo labaduba shihiiday, oo naftoodiii u huray diinta Ilaahay. Qasiyana (RA) waxay u dhashay hal wiil iyo hal gabar. Hadaba Nusaybah maxay taariikhdu ku xustay?

            Nusaybah waxay aaday Makkah intii uusan Nabigu Madinah u soo hijroon. Waxay ka mid ahayd todobaatan iyo dhawrkii saxaabi, 70 ama 73 rag ah iyo 2 ama 3 dumar ah, oo reer Madina ahaa ee baycadii labaad Nabiga kula galay Caqabah. Baycadan ama balankan ay Ansaar Nabiga lagashay waxay ahayd bayco aad muhiim u ah oo Nabiga ayaa garab ku helay, waxayna gogosha u xaadhay hijradii Nabiga iyo saxaabada ee ay Madina u hijroodeen. Hijrada Nabiga iyo saxaabaduna waa halka ay quwada iyo dawladda Islaamku ka bilaabatay. Waxay culimad taariikhdu qoraan in ay hijradu ka mid tahay wax yaalihii ugu muhiimsanaa ee taariikhda diinta Islaamka soo mara.

            Nusaybah waxay ka mid ahayd saxaabadii dagaalkii Uxud galay. Dagaalkii Uxud wuxuu ahaa dagaal ay muslimiin badani ku le’deen oo ciidankii muslimiinta la jabiyay. Dagaalkan wuxuu dhaawac ku soo gaaray Nabigeena. Ciidankii muslimiinta markii la jabiyay oo ay Nabiga intoodii badnayd ka carareen, Nusaybah waxay ka mid ahayd dadkii  aadka u yaraa ee Nabiga isku gudbay si aan dhaawac kale u soo gaarin oo dhaawicii Nabiga ku dhici lahaa uu iyaga ugu dhaco. Dadkaas waxaa ka mid ahaa Abu Bakar As-Sidiiq (RA), Cumar Ibn Al Khadaab (RA), Cali Ibn Abii Daalib (RA), Muscab ibn Cumayr (RA), Abu Dalxa (RA), Nusaybah odaygeedii (RA), iyo labadeedii wiil (RA). Nusaybah waxay ka garab dagaalamaysay Nabiga iyo miidii saxaabadiisa ee uu Ilaahay doortay.

            Dagaalkii Uxud oo meeshii ugu xumaa maraya, ayuu wiilkeedii Cabdullah ibn Sayd dhaawacmay oo dhiigiisii joogsan waayay. Dhaawiciisii intay xirtay si uu dhiigiisu u joogsado ayay wiilkeedii ku tiri, “Kac wiilkaygiyoow cadawga ku dhufo”. Bal sawiro kartida hooyadaa Muslimad ah ee seefta wadatay ee Nabiga difaacaysay ee dagaalamaysay ee wiilkeedii oo dhiigiisu qulqulayo inta duubtay ku tiri kac oo cadawga Ilaahay la dagaal.

            Nusaybah, Allaha ka raali noqdee, jihaadyadii badnaa ee ay gashay waxaa ka soo gaaray dhaawacyo badan. Dagaalkii Uxud Nusaybah waxaa ka soo gaaray laba iyo toban dhaawac.

Dagaalkii Yamaamana sidoo kale waxaa ku dhacay dhaawacyo badan, waxaana laga gooyay gacanta iyada oo diinta Ilaahay difaacaysa oo jihaad ku jirta. Kartideeda, kalsoonideeda, iyo dhiiranaanteedu miyayna kudayasho mudnayn?! Alaylehe way mudantahay. Kartida iyo wax tarka gabdhaha muslimiinta ahi waa kartidaa iyo wax tarkaa ay inoo muujisay Nusaybah (RA).

Xilliga ay jihaadka galayso Nusaybah ee ay ka garab dagaala maysay Nabigeena SCW, Abu Bakar (RA), Cumar (RA) iyo saxaabadii kale ee Ilaahay doortay waxaa hada laga joogaa mudo ka badan kun iyo afar boqol oo sano. Soo ayaan darro iyo dib u dhac ummadda Islaamka ah ku yimid ma aha in maanta muran ku jiro oo dadka tasuush kaga jiro doorka gabadha muslimada ah iyo in dumarka muslimiintu umadda wax u tari karaan, jihaad gali karaan, cilmi baran karaan, ama wax soo saar ka baxsan ilmo inay dhalaan ay yeelan karaan?! Allaylehe inuu dib u dhac maan, fikir, iyo wax soo saarba inagu dhacay.

Taariikhda Islaamka ah waxaa ka buuxa gabdho taariikhdu xustay oo diintooda, dadkooda, dalkooda, iyo aadamahaba wax u taray. Waaxaa ka buuxa gabdho ayagoo ubadkooda korsanaya oo hooyooyin iyo xaasas fiican ah, hadana ummadda wax u tari kara, diinta difaaci kara, dalkooda difaacan kara, cilmi iyo caqliba soo kordhin kara. Waxaa ka buuxa ka buuxa halyeeyo sida Nusabah iyo Fadumo AL-Fihri.

Hadaba hadaynu nahay gabdhaha muslimiinta ah, Nusayba Bint Ka’ab (RA) maxaynu ka baran Karnaa? 

  1. Dumarnimadaadu kaama hor istaagayso in aad umada wax u tarto, in aad jihaadka ka qayb qaadato, iyo in aad noqoto qof karti leh oo umada wax ku soo kordhiya. Nusaybah (RA) iyada oo hooyo ah ayay jihaadyadii ugu ad adkaa ee uu Nabigeena iyo Saxaabaduba galeen ayay la gashay, oo ay seefta dhinaceeda ka wadatay.
  1. Innaga ayaa la inaga rabaa in ay inaga soo go’do wax aynu rabno in aynu qabano iyo sida aan u rabno in aan wakhtiga Ilaahay ina siiyay aynu u isticmaalno. Nusaybah iyadaa ayaa go’aansatay in ay Baycatul Caqabah dadka aadaya ay ka mid noqoto, dagaalkii Uxudna iyada ayaa seefta qaadatay. Aduunkan ma jirto cid waxa aad rabto ama heerka aad rabto in aad gaarto iska kaa siinaysa, waa in aad adigu u dagaalantaa, adiga oo Ilaahay tala saaranaya. Waa in aad adigu dhistaa aragtida aad naftaada ka qabto iyo waxa aad isleedahay waad qaban kartaa.
  1. Qofka aad guursanayso ee aad nolosha la wadaagayso waa in uu ahaado qof horumarkaaga iyo nolosha aad rabto kugu garab istaagi kara. Nusaybah markii ay Baycatul Caqabah aadaysay way diiday in ay ka harto, odaygeeduna wuu la socday oo kuma khasbin in ay Madinah joogto. Dagaalkii Uxudna labadeedii wiil iyo odaygeeduba way ku jireen, kamana aysan hor istaagin in ay seefta qaadato. Ku dadaal in aad dhisato reer diinta Ilaahay u wada adeega, ubadkaaga in aad barto in dumarku wax tari karaan, marka horena aad doorato oday kalsoonidiisu buuxdo oo in uu horay kuu wado maahee aan dib kuu celinayn.
  1. Khasab ma aha in aynu kuligeen seefta qaadano. Muhiimaduna maaha in aan wadadii Nusaybah qaadano. Jihaadku wuu wajiyo badan yahay, waxtarka uu qofku umada wax u tari karana way badantahay. Muhiimada aan qoraalkan u soo qorayi waa in aynu ogaanu in wax Alle wixii khayr ah ee aan rabno in aynu qabano ama umada u tarno, aynu xaq u leenahay in aynu samayno, in Ilaahay uusan inoo diidin, iyo in kartideedii aynu leenahay. Muhiimadu waa in aynu inagu dhisano nolol aan raali ku nahay, Ilaahayna uu raali inooga yahay inaga oo aysan inagu jirin dumarnimaa wax inaga reebaysa.
  1. Dumarnimadu liidnimo ma aha. Dumarnimadu waa wax Ilaahay inoo doortay. Inagoo dumar ah, oo dumarnimadeena ku qanacsan, oo ubadkeenii dhalayna, oo reerkeenii dhaqanayna ayaynu hadana cilmi baran karnaa, shaqaysan karnaa, ummadda wax u tari karnaa, oo xitaa jihaad seefo qoorta la iskaga jarayo aynu gali karnaa. Waligaa cidna haka yeelin dumarnimadaada Ilaahay kuu doortay ayaa wax kuu dhimi karto oo wax tarkaaga kaa hor istaagi karta.
  1. Dumar badan waxaa loogu sheekeeyaa hadii ay damcaan in ay wax bartaan, ama shaqaystaan, ama wax soo kordhiyaan, ama ummadda wax taraan in ubadkoodu ka dayacmayo ama halaabayaan. Nusaybah afar ilmood ayay dhashay, afartii ilmoodna laba kamid ah way u shahiideen oo iyaga oo diinta Ilaahay difaacaya ayay dhinteen. Xaqa Ilaahay kugu leeyahay, xaqa naftaadu kugu leedahay, xaqa ilmahaagu kugu leeyihiin, xaqa odaygaagu kugu leeyahay, iyo xaqa dadka kale kugu leeyihiinba adiga oo gudaya ayaad himiladaada hanan kartaa. Karti aad ku kala maarayso xuquuqda lagugu leeyahay adiga oo himiladaada hananaya waad leedahay. Nusaybah ayaana tusaale inoogaga filan.

Nusaybah Ilaahay haka raalin noqdee waa saxaabiyad qiimo badan. Waa halyey dumar inaga mudan in aynu ku dayano oo kartideedii, inaba ha ahaatee, aynu yeelano. Waa iftiin ay hablaha muslimiintu daawadaan oo dhiiri galisa. Marka aad maqasho dad kugu liidaya dumarnimadaada ama kugu dhaha hadalada xanafta leh ee sida “naag maxay qaban kartaa” ama “naag baa tahaye meel fadhiiso” IWM, xusuuso Nusaybah in ay ahayd saxaabiyad, in ay ahayd hooyo, in ay ahayd naag. Hadana ay Nabiga difaacday oo isku gudubtay mar ay ragii intoodii badnaydi ay kala carareen.

Waxaan rajaynayaa in aad qoraalkan wax uun aad ka faaiiday. Hadii aad wax ka faaiiday qoraalkan ama aad garanayso qof qoraalkan wax ka faaiidi kara, fadlan la wadaag gabdhaha iyo wiilasha Soomaaliyeed.

Wixii fal celin, talo, iyo tusaale ahba waa xagiin.

Leave a Reply