Blog

Hal Ka Baro Halyey Dumar – Qaybta 2aad – Faadumo Al-Fihri

Ma taqaanaa magaca jaamacadii ugu horaysay ee aduunka laga furay? Mase taqaanaa cidii furtay jaamacadii ugu horaysay ee aduunka laga furo? Ama meesha ay ku taal jaamacadii ugu horaysay ee aduunka laga furo?

Waxaa laga yaabaa in ay maskaxdaada ku soo dhacaan jaamacado ku yaala qaarada Yurub ama wadamada reer galbeedka sida Jaamacad Blogna ee dalka Talyaaniga ku taal iyo Jaamacada Oxford ee dalka Ingiriirska ku taala. Waxaa laga yaabaa in ay maskaxdaada ku soo dhacdo nin ama niman in ay fureen jaamacadii ugu horaysay ee aduunka laga furo. Jaamacadii ugu horaysay ee aduunka la furo, qaarada Yurub iyo wadamada reer galbeedka midna lagama furin. Mana uusan furin nin ama niman wada shaqaynaya. Hadaba yaa furay jaamacadii ugu horaysay ee aduunka laga furay, xageese laga furay?

Jaamacadii ugu horaysay ee aduunka laga furo waxaa furtay gabar muslimad ah oo magaceeda la dhaho, Faadumo Al-Fihriyah (Fatuma Al-Firhi). Faadumo waxay furtay masaajid iyo jaamacad ay ugu magac dartay Al-Qarawiyyin. Faadumo waxay jaamacadaan furtay sanadkii 859 A.D (Bishii Ramadan ee sanadkii  254aad ee hijriga). Waa mudo hada laga joogo in ka badan ku sano.  Jaamacadii ugu horaysay ee aduunka laga furo waxay Faadumo al Fihriya ka furtay magaalada Fez ee dalka Marooko. Waxayna jaamacadaan ugu magac dartay magaaladii ay ku dhalatay ee Al-Qarawiyyin ee dalka Tunuusiya.

Faadumo Al-Fihriya waxay ku dhalatay magaalada Al-Qarawiyyin ee dalka Tunuusiya taariikhdu markay ahayd 800 A.D. Faadumo waxay ku caan baxday oo lagu yaqaanay taakulada ardayda iyo sadaqada oo ay aad u bixin jirtay. Taas oo ahayd sababta loogu bixiyay, “Hooyadii Wiilasha” maadaama ay wiilal yar yar oo badan taakulayn jirtay. Faadumo aabaheed wuxuu ahaa ganacsade taajir ah. Aabaheed markii uu dhintay, Faadumo waxay ka dhaxashay lacag aad u fara badan. Dhaxalkeedii Faadumo waxay ku dhistay masaajidka Al-Qarawiyyin oo cilmiga aad loogu raacan jiray iskuna badalay jaamacada Al-Qarawiyyin ee ilaa maanta furan.

Jaamacadaas ay Faadumo furtay waxaa ka soo qalin jabiyay dad aad u badan oo magacoodu gaaray goonyaha aduunka, daadkaas oo muslimiin iyo dad aan muslimiin ahaynba iskugu jiray. Dadka caanka ah ee ka qalin jabiyay Jaamacadii ay Faadumo furtay waxaa ka mid ah, taariikh yahanka Ibn Khaldun. Ibn Khaldun wuxuu ahaa qofkii dhidibada u taagay cilmiga taariikhda. Wuxuu ahaa siyaasi, qoraa, cilmi baare, iyo taariikhyahan. Waxaa kaloo ka mid ahaa ardaydii ka soo baxay jaamacada Al-Qarawiyyin, Ibn Rushd oo ay reer galbeedku u yaqaaneen Averroes. Ibn Rushd wuxuu ahaa filasoofar dhidibada u aasay qaab fikirka, wuxuu ahaa dhakhtar, wuxuuna ahaa qaadi dadka kala xukuma. Waxaa kaloo ka qalin jabiyay Jaamacadaas, Gerbert of Aurillac (Pope Sylvester II) oo ahaa qays, qaysnimada meesha ugu saraysa ka gaaray. Wuxuu ahaa xisaabyahan qaarada Yurubna u geeyay ama baray lambarada hada aduunku wax ku tirsadaan sida 1, 2, 3, … iyo wixii la mid ah. Wuxuu Yurub u geeyay xisaab iyo cilmi badan oo uu ka soo bartay jaamacada iyo masjidkaa ay gabadhaa muslimadaahi furtay. Jaamacadani wali way furantahay oo arday ayaa wax ku barta.

Ma ogtahay in culimada Islaamku ay dhidibada u taageen cilmiyada kala duwan ee sida xisaabta, fiisigiska, astaroonomiga, iyo cilmiyo badan oo sayniska iyo teknoolojiyada maanta ay ku dhisan yihiin? Mase ogtahay in xisaabta al jabrada, waxa ay ku dhisan yihiin kumbiyuutarada iyo taleefoonaduba loogu magac daray culimadii Islaamka ee cilmiyadaas dhidibada u taagay? Mase ogtahay in sawirada la qaado ay ku dhisan yihiin cilmibaaristii ay sameeyeen culimadii islaamku?

Jaamacadii ugu horaysay ee aduunka laga furo waxaa furtay gabar muslimad ah oo la yiraahdo Faadumo Al-Fihriyah (Fatuma Al-Fihri) mudo hada laga joogo in ka badan ku sano. Hadaba, maxaa sababay in maanta dalalka Islaamka qaarkood gabdhaha wax barashada loogu diido? Maxaa keenay in maanta suaal ay ka timaado in ay gabadha muslimada ahi ay wax baran karto oo ay aduunka wax ku soo kordhiso? Maxaa keenay in ay maanta gabdhaha Islaamku ay u doodaan xaqii iyo xuquuqdii iyo karaamadii Ilaahay siiyay in kabadan ku sano ka hor? Maxaa keenay in maanta ay doodiba ka taagantahay kaalinta gabadha muslimada ahi ay ku dhex leedahay dadkeedii? Arinkaasu miyuuna ahayn dib u dhac iyo dhabar jab ku yimid umada Islaamka ah?

Hadaba Faadumo Al-Fihriyah maxaan ka baran Karnaa?

  1. Faadumo Al-Fihriyah waxaan ka baran karnaa in gabadha Muslimada ahi ay aduunka wax ku soo kordhin karto, waxna ay ka badali karto heerka ay umadu joogto. Wax jaamacad la yiraahdo iyada oo aan la aqoon ayay Faadumo furtay jaamacadii ugu horaysay ee aduunka laga furo. Jaamacadaas oo ay ka soo baxeen arday fara badan oo aduunka wax badan ku soo kordhiyay dhidibadana u aasay in badan oo ka mid ah cilmiyada aan maanta iskuulada ku barano. Gabadha muslimada ah iyada oo diinteeda iyo dhaqankeeda wanaagsan haysata ayay aduunka wax ku soo kor dhin kartaa oo nolosha aadamaha wax ka badali kartaa. Wax aan horay loo aqoon, wax umada faaiido u leh, iyo wax iyada sadaqa jaariya u noqda oo mudo badan ajarkeedu u socdo ayay soo saari kartaa. Faadumo waxay dhimatay in kabadan kun sano ka hor, maanta jaamacadii iyo masaajidkii ay furtay, ajar intee le’eg bay kula tahay in ay ka heshay? Hadii qof muslim ahi soo saari lahaa qalab dadka indhaha loogu fiiqo ama dawo kansarka dawaysa ama dawo cayayaanka beeraha ka ilaalisa, ama qaab biyaha milixda looga saaro hindisi lahaa saamayn noocee ah ayuu aduunka ku yeelan lahaa? Bal qiyaas ajarka ay ka heli lahayd oo qofkii ka faaiidaba Ilaahay ka siin lahaa?

 

  1. Faadumo Al-Fihriyah iyo jaamacadda ay furtay waxaan ka baran karnaa in masaajidu ay ahaayeen xarunta ama bartamaha cilmiga – maadi iyo diiniba. Iyo in aan cilmiga diinta iyo cilmiga maadiga ah aysan is diidayn, aysana ahayn in lakala saaro (maadiga intiisa saxdaa). Dadkii taariikhda, xisaabta, iyo sayniskaba saamaynta ugu wayn ku lahaa waxay ahaayeen culimo Islaam ah oo diinta iyo maadigaba isla bartay. Diinteenu waa diin dhiiri galisa qofku in uu fikiro, waa diin dhiiri galisa in uu qofku wax barto, waa diin dhiiri galisa in uu qofku taariikhda dib uu eego, waa diin dhiiri galisa in uu qofku wanaag sameeyo oo wax soo kordhiyo. Umada Islaamka ah dhabar jabkii ugu waynaa ee soo gaaray wuxuu ahaa kala faquuqida diinta iyo maadiga. Diinta Islaamku ma aha diin cibaadada kaliya ku kooban ee waa diin dhinac walba ka taabata nolosha qofka. Waadiin qofkii fikiraa oo caqligiisa fayoow isticmaalaa u furta una jihaysa albaabka cilmi kaste oo faaiido leh. Nolosha aadamuhu cilmiga diinta iyo cilmiga maadiga midna kama maaranto. Qofku in uu diintiisa barto waxay u furaysaa cilmiyo badan oo aduunka wax badan ka badali kara. Tusaale yar hadii aan soo qaato waxaa ka mid ah cilmiga sanadihii danbe aadka usoo caan baxayay ee la yiraahdo Biomimicry oo ah cilmi wax la soo saarayo, wax la xalinayo, ama wax la nashqadaynayo iyadoo laga soo qishayo ama baranayo waxyaalaha dabiiciga ah ee uu Ilaahay abuuray. Waxaa kamid ah tareenka la dhaho Bullet Train (ama tareenka xabada) ee aadka u orodka dheer ee uu ingineer Jabaaniis ah nashqada afkiisa ka soo qaatay shimbir yar oo la dhaho Kingfisher. Quraanka imisa jeer ayuu Ilaahay inoo tilmaamay in aan eegno xayawaanka iyo wax yaalaha kale ee uu Ilaahay abuuray? Miyaan Ilaahay ina barin in aan xayawaanka cilmi aynaan aqoon aan ka baran karno? Bal qisadii tukaha iyo wiilkii Nabi Aadam ee walaalkii dilay dib ugu noqo waxay ku jirtaa suuratul Maaidah.
  2. Waxa kale ee aan ka faaiidi karno taariikhda dahabka ah ee Faadumo Al-Fihriya waa in aduunku yahay laba bari oo uusan wax macno badan ah lahay oo uu iska dhamaado. Sida aynu wada ognahay aduunkan qof kaste wuxuu joogayaa maalmo go’an oo tirsan oo aan ilbiriqsina laga dhimayn, ilbiriqsina loogu darayn. Taariikhda aduunka dadkii ugu khayrka badnaa, ugu taajirsanaa, iyo ku wii ugu cilmiga badnaaba way dheelmadeen oo waa ay ka huleeleen. Waxa kaliya oo ka haray waa wax tarkoodii iyo wixii ay aduunka ku soo kordhiyeen. Aduunka dadkii yimid ee ka tagay marka la eego, inta la xasuusto oo magacoodii wali jiro iyo inta aan cidiba xasuusan waxaa badan inta aan cidiba xasuusan. Inta la xasuustana waa intii saamayn ku yeelatay nolosha aadamaha oo wax ku soo kordhisay cilmiga, caqliga, iyo tayada nolosha aadamaha. Faadumo Al-Fihri oo kun sano ka hor dhimatay waxa loo xasuusto maaha in ay maalin dhalatay oo ay maalin dhimatay ee waa wax tarkeedii. Waa masaajidkii iyo jaamacadii ay furtay iyo sadaqadii Ilaahay ku guuleeyay. Imisa sano ayaad rabtaa in magacaagu aduunka jiro? Imisa sano ayaad rabtaa in lagu xasuusto? Imisa sano ayaad rabtaa in ay sadaqa jaariya kuu socoto? Maxaad rabtaa in lagugu soo xasuusto?

Faadumo Al-fihri Ilaahay ha u naxariisto, waa tusaale iyo iftiin gabar kasta oo Muslimad ah ay iska dhex arki karto. Ilahaay gabdho badan oo fiiro dheer oo meeshay ka fakaraysay iyo meel ka fog ka fikira ha ina siiyo oo umada Islaamka haka mid dhigo. Ilaahay gabdho badan oo muslimiin ah oo wax tarkooda taariikhdu kumanaan sanoo soo socda xusto ha ina siiyo. Gabdhahaas aan Ilaahay ka baryayo, gabareey adiguba waad noqon kartaa. Wiiloowna gabadhaad dhashay way noqon kartaa, walaashaa way noqon kartaa, eedadaa way noqon kartaa, habaryartaa way noqon kartaa, gabdhaha qaraabadiina ah way noqon karaan, xaaskaagu way noqon kartaa. Waxa kala saaraya ee gabarna nolosheedii ka dhigaya mid ay dhalatay oo ay dhimatay ayadoon waxba cidna u tarin aakhiradeediina aan sadaqa jaariya u samaysan, midna ka dhiga mid ay taariikhdu xusto kumanaan sano waa garabka, taakulada, iyo barbaarinta ay hesho. Gabar kasta Faadumo Al-Fihri way noqon kartaa, wayna ka fiicnaan kartaa, balse waxay u baahantahay in garabkeedii ay hesho, in fursadeedii ay hesho, iyo in ay dadaalkeedii ay iyaduna la timaado.

Waad mahadsantihiin!

Waxaan rajaynayaa in aad qoraalkan wax uun aad ka faaiiday. Hadii aad wax ka faaiiday qoraalkan ama aad garanayso qof qoraalkan wax ka faaiidi kara, fadlan la wadaag gabdhaha iyo wiilasha Soomaaliyeed. Wixii fal celin, talo, iyo tusaale ahba waa xagiin.

3 thoughts

Leave a Reply