Uncategorized

Hammigaaga, Riyadaada iyo Yoolkaagaba ka Ilaasho Dadka Noocaan Ah

Dadku isku mid maaha. Ilaahay qofba si gooni ah ayuu u abuuray oo wuxuu siiyay dabeecado kala gooni ah. Soomaalidu waxay dhahdaa, dadku waa shantaada farood oo kale. Ma jirto far far kale la mid ah. Qofkaste wuxuu leeyahay fikir iyo aragti gooni u ah, dareen gooni u ah, dabeecado iyo ladhaqan u gaara.

Dadka waxaa jira dad jecel hammigooda, himiladooda ama riyadooda in ay dadka u sheegaan. Dadkaas oo aaminsan farxada iyo yididiilada himiladoodu dareen siisay, in ay dadkuna la dareemayaan hadii ay la wadaagaan. Waxaa kale oo ay aamin sanyihiin dadka ay la wadaagaan himiladooda in ay dhiiri galin, talo iyo taakulayn kaliya ay ka helayaan. Hasa yeeshee, dadkoo dhani saas maaha. Waxaa jira dad carqalad ku noqon kara yoolkaaga inaad gaarto. Waxaa dhici karta, himiladaadii aad la wadaagtay dhiiri galin iyo taakulayn iskaba daaye, in ay dhib kaasoo gaarto. Waxaa dhici karta wadaagidaasi inayba noqoto wixii kaa hor istaagi lahaa in aad hanato riyadaada. Hadaba, waxaad iska ilaalisaa oo aad ogaataa noocyada dadka ee riyadaada ama himiladaada ama yoolkaaga kaa hor istaagi kara. Dadkaas oo mudan in aad Ilaahayna ka magan gasho riyadaadana ka qarsato. Waxaana kamid ah dadkaas:

Anaa Gaari waayay, Adna Gaarimaysid

Qofkani waa qof wax isku dayay, ama run ha iskugu dayo ama ha is moodsiiyo, oo hadana ku guul daraystay in uu helo natiijadii uu rabay. Qofkan waxaa ka dhaadhacsan in maadaama uu isagu gaari waayay oo ku guuldaraystay inuu helo riyadiisii, qofkale oo aduunka saarani in uusan samayn karin oo ku guulaysan karin.

Qofkani ma fahansana, wax walba in ay qadar yihiin Ilaahayna qofba wax u qoondeeyay. Qofkani ma fahansana in qof kaste awoodo gooni ah leeyahay oo waliba marxalado kala duwan ku xeeran yihiin. Waxaa laga yaabaa qofkan wax ka maqnaa oo ka hor istaagay hanashada hammigiisa aanay adiga ku hor taagnayn.

Tusaale, qof hadii uu warshad furto oo warshadii u shaqayn waydo. Adiguna aad damacdo in aad warshad furato balse qofkii kugu yiraahdo, ha furan warshad shaqayn maysoo anaa tijaabiyay oo ay ii shaqayn wayday. Waxaa laga yaabaa in aad qofkaa hadalkiisa intaad qaadato aad iska dayso warshadii aad furi lahayd. Warshadaas oo dadkana wax u tari lahayd adigana ku anfaci lahayd. Kawaran qofkani hadii uusan khibrad u lahayn cilmiga warshadaha? Kawaran qofkani hadii uusan khibrad ulahayn sida loo ganac sado oo loo suuq geeyo waxay warshadu soo saartay? Kawaran adigu hadaad cilmiga warshadaha iyo ganacsigaba khibrad qoto dheer aad u leedahay?

Marka aad qofkan riyadaada la wadaagto, oo uu kugu yiraahdo gaari maysid isaga oo sababaysanaya in uu isaga naftirkiisu isku dayay oo gaadhi waayay, xusuuso labadan arimood:

  • Qofkani cilmul qaybka ma oga, lawxul maxfuudkana ma soo dheegan. Hadalkiisuna waa hadal uu iska yiri ee yaan hadalkiisu riyadaada kaa xadin.
  • Qofkan iyo adigu isku mid matihidin. Laba qof oo kala duwan ayaa tihiin. Kala khibrad, kala cilmi iyo kala caqliba waad tihiin. Qofka waxaa laga yaabaa in ay jireen carqalado isaga u gaar ah oo ka hor istaagayay inuu gaaro heerkuu rabay. Waxaana dhici karta adiga in aysan carqaladahaasi ku hor taagnayn kaana hor istaagi karin riyadaada. Marka waxaad eegtaa qofkan waxii hor istaagay. Naftaadana qiimee. Kadibna dajiso wadadii aad kaga bixi lahayd wixii carqalada ee adiga ku hor istaagi kara.

Kaa Nexe

Qofkani waa qofka xaasidkaa ee diinta lagu sheegay. Waa qof aan doonayn isaga maahee umada kale in ay wax khayra helaan. Waa qof qumay ah, oo markaad wax farxad ah ama hami aad u riyaaqday aad u sheegto is gala. Qofkan way adagtahay sida aad ku garato waayo xaasidnimadu waa cudur qalbiga gala. Marmarka qaarkood waxaa laga yaabaa in aad jirkooda ama hadalkooda aad ka dareento. Waxaase jira dad xaasidiina oo aadan ka dareemi karin, dadkaasoo oo laga yaabo in ay afka kaa dhiiri galiyaan iyagoo uurka aad uga xun. Dadka noocaas ah sida ugu wanaagsan ee loola dhaqmo maadaama aadan garan karin qofka uurikiisa waxa ku jira waa:

  • Ilaahay ka magan gal qofka xaasidkaa adigoo akhrisanaya Surah Al-Falaq iyo adkaarta saxdaa. Surah Falaq wuxuu Ilaahay inagu barayaa inaan ka magan galno midka xaasidkaa, وَمِن شَرِّ حَاسِدٍ إِذَا حَسَدَ – “Iyo sharka Xaasidka wax Xasda” (Quran, 113).
  • Marka horaba ka fiirso oo qof aadan hankaaga, himmiladaada ama yoolkaaga aad la wadaagayso. Dadkoo dhani gacal kuuma aha, dad qalbiga ka buka oo xaasida ayaa jira. Qof aad ku kalsoon tahay oo aad ogtahay in uu riyadaada ama himmiladaada wax u dhimayn maahee, qof kale waxba ha lawadaagin.

Ku Liide

Dadka nooc waxaa jira dadka liida oo niyada ka dila ama isku daya inay yareeyaan qofka awoodiisa. Dadkaasi waxaa lagu gartaa oo ay ku oranayaan markaad himiladaada usoo ban dhigto ereyadan oo kale:

“Way adagtahay inaad ku guulaysato.”

“Gabar baa tahay, ma adaa arinkaa samayn kara?”

“Wadankan waad ku cusubtahay, ma fahansanid, afkiisana ma taqaanid ma adigaa jaamacad ka dhigan kara.”

“Khibrad iyo lacag bay ubaahantahay, mana haysatid.”

“Dadkii wadankan u dhashayba samayn waayee, ma adigaa samayn kara!”

“Wakhti dhumis weeyaan waxaaso, hooy waxa dantu kuugu jirto raac. Orodoo wax barashadaada maaqaane xamaalo, xamaali baa laguu keenaye!”

“Naagu cimri maleh, maxaad hada ganacsi ka daba ordaysaa? Aan kula taliyee, waxba ganacsi ku keeni mayside orod nin guursoo ciyaalkaaga korso.”

Qofkani wuxuu weeraraa awoodaada, waxa aad tahay ama marxalada aad markaas ku nooshahay. Qofkani wuxuu kuu sheegayaa carqabad kaste oo ku hor istaagi karti, mid mala awaala iyo mid dhababa, si uu kaaga marin habaabiyo himiladaada. Qofkani carqaladaha yar yar ayuu wuxuu kaaga dhigayaa buuro waawayn oo aadan mari karin. Wax yaalihii nolosha dabiiciga ahaa ayuu kaaga dhigayaa carqalado sida guurkii, ilmihii, waaridka usama falkii iyo wixii kaloo nolosha ka mid ahaa.

Qofkan carqaladaha uu kuu sheegayo fiiro dheeri uyeelo, iska hubi inay jiraan iyo in ay mala awaal yihiin. Haday yihiin carqalado run ah oo jira ay yihiin, sidaad uga bixi lahayd ka fakar. Waxaadse iska ilaalisaa, carqaladahaasi inay niyadaada wax u dhimaan oo ay kaa leexiyaan heerkii aad rabtay in aad gaarto. Tusaale, hadii aad wadan aad ku cusubtahay aad joogto, luuqadiisana aadan aqoon, balse aad rabto in aad wax ka barato. Ha ka niyad jabin wax barashada oo ha iska dayn, ee baro luuqada. Waxkaste oo aadamuhu yaqaan waa waxuu bartay.

Ku Liide Qarsoon

Qofkani waa qof u dhaw dofka dadka liida khatartiisaase kabaadan oo ka dhaawac wayn. Qofkani waa qof si siloon ama maldahan kuu liidaya. Waa qof si doqon ma garato ah kuu dhaawaca. Qofkani waxaa laga yaabaa in uu iska dhigo qof ku dhiiri galinaya ama kuu sacabo tumaya si aad u gaarta himiladaada. Hase ahaatee, waa qof waran qarsoon kugu dhufanaya oo kaa hor istaagi kara riyadaada. Qofkan waxaa lagu gartaa erayada uu ku leehay oo korka uga eg yididiilo kuse dhaawaca. Qofkani inta badan waa qof isla wayn oo isku qaba in uu wax kaste yaqaano, ayse yartahay waxa uu yaqaano. Waa qof isku qaba waxa aad samaysay in uu samayn karo. Wuxuu aamin sanyahay waxaad samaysay in uu u samayn karo si dhib yar isagoo oo waliba dhaliilaya waxa aad qabatay. Qofkan waxaa inta badan lagu gartaa waa qof markaste qof uun wax ka sheegaya oo hadana soo bandhigaya sida uu waxaas u qaban lahaa waloow uusan wax khibrad ah u lahayn wuxuu ka hadlayo. Qofkan wixii la arkaba wax buu ka dhahaa, Wax uu qabtana way yartahay, cilmiguu haystana ma badna oo waa daasad hal dhagax ku jiro oo kale. Qofkan waxaad ku garan kartaa tusaalayaashan oo kale:

Tusaale: Waxaad qortay wax aad isleedahay dadku way ka faaiidaysan karaan amaba fikirkaaga ah. Qofkani wuxuu ku mashquulayaa naxwaha waxa aad qortay isagoo ka dulboodaya muhiimada hadalkaagii oo dhan. Waxaa laga yaabaa in uu qofkani ku dhaho, “Waxaan aad ugu faraxsanahay dadka aan naxwaha af hebel si fiican u aqoon balse wax ku qora afkaas.” Hadalkani waa hadal doqon magarato ah oo uu kugu durayo naxwaha ama wax kaste oo iin ah oo uu hadalkaaga uu ku arko ama ha yaraato ama ha badnaatee. Qofkani wuxuu indha ha ka laabtaa muhiimada qoraalkaaga oo dhan. Qofkan waxaa taas u dheer in uu mar mar badan qoro hadalo naxwe ahaana khaldan, nuxur ahaana liita. Waxaase kasii daran, wax caaqibo leh oo uu qofkaasi qabtay oo udhaw qoraalkaaga aysan jirin. Hasayeeshee qofkani ismaba arko oo waa maroodigu takarta maroodiga kale unbuu arkaa.

Qofka noocaas ah waxaa layskaga dayraa hadalkiisa oo aan waxba laga soo qaadin. Waxaad xasuusataa qofkani koombo dhagax ku jira oo qaw qaw leh uun inuu yahay ee uuna ahayn qof garaadkiisu sareeyo. Marka qofkaa, orgi qalaaday uun kasoo qaad.

Siliinge

Siliinguhu waa qofka awooda iyo kartidaba kaaga dhuuqa sida siliingaha dhiiga lagu qaado. Qofkani markaste oo uu arko in aad wax fikir ah ama ficil ah oo la xiriira yoolka aad hiigsanayso, wuu ku mashquuliyaa. Qofkani wuxuu kugu mashquuliyaa wax yaalo aan micno lahayn si uu kaaga jeediyo in aad wax ficil ah samayso si aad u gaarto riyadaada. Qofka waxaa lagu gartaa markaste oo aad rabto inaad ficil ama fikir riyadaada la xiriira aad samayso waa un ku hor joogaa. Waxaad qofkan ku garan kartaa markaste oo aad ka tagto waxaad dareemaysaa daal iyo culays dhanka jidhka iyo maskaxdaba ah. Waxaad dareemaysaa sidii wax tabartii oo dhan saliinge looga nuugay oo aan hayn wax awood ah.

 

Hadaba akhristoow yoolka aad hiigsanayso yayna kaa hor istaagin shanta nooc ee banii aadamka ah ee kor ku xusan. Hamigaaga iyo Riyadaada ka qarso dadka noocaas ah oo hala wadaagin yoolkaaga. Iyagoon waxba ogayn danahaaga hoosta ka wado. Hadii ay lagama maarmaan noqoto in aad lawadaagtana, ka feejignoow waxa ay ku leeyihiin iyo sida ay usaamaynayaa awoodaada khaaska ah ee aad riyadaada ku gaari karto.

Waxaase taas kasii muhiimsan, in aan inagu dib isu fiirino oo aan eego bal in aan dadkaas ka mid nahay iyo inkale. Hadii aan dadkaas ka mid nahay, waxaa lagama maarmaan ah in aan wax ka badalno nafteena. Waxaa muhiim ah in aynaan dadka ku noqon carqalad riyadooda iyo yoolkooda hortaagan. Qofka muslimka ahi waa qofka dadku ka amaan helaan oo aan dhibaato mid muuqata iyo mid qarsoon toona u gaysan. Marka aynu noqono dad aan riyada, himilada, yoolka ama rajada dadka hor istaagin. Aynu noqono kuwo dadka taakuleeya, oo dadka dhiiri galiya, oo dadka sare u qaada si ay u gaadhaan hammigooda.

 

Waad mahadsantihiin!

15 thoughts

Leave a Reply