Blog

Jacaylkii Iga Yaabshay

Jacaylkii iga yaabshay!

Inan aan aad u jeclahay, ehel dhaw iyo saaxiibana aan nahay, ayaa anagoo wada lugaynayna taleefoon u soo dhacay. Inantii, waxay igu tiri hebel ayaa ku salaamaya.

Tilifoonkii markii ay ka baxday, ayaan ku iri, “Oo ma hebelkii sidii la ogayd kuu galay ayaad la hadashaa oo aad sheeko wadaag tihiin?”

Waxay iigu jawaabtay, “Soo walaalkeen ma aha! Oo hadii calaf kaayagii dhamaaday, wali walaaltinimadii  ma joogto!”

Aniga oo la yaaban gabadha wanaageeda iyo gobsanideeda, ayaan ugu jawaabay, “Masha Allah, Walle gob baa tahay! Iska daa, walaalkay gabadh baa dhaaftee!”

Mudo kadib inantii waxay aaday wadankii oo uu wiilkaasi ku noolaa. Markay soo noqotay ayaan casho isku raacnay si aan isku soo xog waraysano una soo sheekaysano. Waxay ii sheegtay, in ay wiilkii naftirkiisii soo guursatay.

Hambalyo iyo duco ka dib, waxaan ku iri, “walaaleey anu in aad sheeko wadaagtaan ayaan la yaabanaaye, sidee ku cafisay oo aad ku ilawday wixii uu ku mariyay? Sidee naftu kaaga ogolaatay in aad isagii mar kale guursato oo aad nolosha la wadaagto? Malaha waa jacayl iyo hawlihiisii!”

Gabadhaa oo aan Gobaad u baxshay, aniga oo ilaalinaya magaceeda, ayaan sheekadii na dex martay iyo jacaylkeedii iga yaabiyay  tixdan ka curiyay.

Fadumo:
Ina adeereey gacalooy
Gayigiyo dhulkeeniyo
Gacalkeeni see bay
Gobaadeey ahaayeen?

Gobaad:
Ina aabo gacalooy
Gayigiyo dhulkeeniyo
Gacalkiyo tolkeenii
Nimcaa loo go’ayoo
Gugii baa u hooroo
Geelii baa u dhalayoo
Anna xareedoo goglaanbaa
Gaafkaygii soo dhacay!

Fadumo: 
Guule mahadii weeyee
Gurigaaga Rabigay
Gacalooy adkeeyoo
Guurbood saalixiiniyo
Gabano daadaheeyee
Hambalyadan gudoon iyo
Gacalooy salaantaan
Yaad se aad gaclootoo
Kuu geeyay calafkii?

Gobaad:
Geedkii horeeyuu
Ii geeyay calafkuye
Gugaygoo aan waynayn
Inankaan gacloodiyo
Gurigaygii dumay iyo
Calafkaygi go’aybaa
Ka soo baxay godkiiyoo
Noqday geed hadhwaynoo
Mar labaad gacloodoo
Guurkiina wuu dhacay!

Fadumo:
Adigoon gu waynayn
Galad iyo wanaag iyo
Diin iyo garaad iyo
Guule qurux ku siiyoo
Sharaftaada gees iyo
Geesta kale dadkeenii
Gidi wada ogaayeen
Gayaan kii ku eegana
Jacaylkaagu uu galo
Inankaad gaclootee
Gayaankii ka doontee
Kuuna geeyay calafkii
Misna aan is garanoo
Godob iyo dulmiba galay
Gardariyo xanuun iyo
Gurigiinuu dumiyaba
Kuu quudhacay gacalooy
Sidee baad Gobaadeey
Guri ula yagleeshoo
U ilawday godobtii
Uu daraato kaa galay?

Gobaad:
Aadmigu gaboodkiyo
Khalad kuu galaa iyo
Gafka wuu ka simanyahay
Guulaana calafkiyo
Noo gooya qadartoo
Kal gacaylna galiyaa
Qalbiyada gayaankee
Wixii godobe uu galay
Gu’ horaan ilaawoo
Guule tuu I faray iyo
Cafis baan u gudbiyoo
Ka gudubnay wixii hore

Fadumo:
Walle inaad gob iyo tahay
Gabadh qiimo badanoo
Guule imaan ku sugayoo
Diinteeda garan iyo
Wuxuu guule farayoo
Raaliyadii la sheegoo
Garaad iyo Ilaahay
Sharaf uu ku galadoo
Kal gacaylka garaniye

Idinkoo guyaal iyo
Kala maqnaa guyaal
Isagooba guursaday
Oo yagleelay guri kale
Misna iidin kala go’in
Wixii hore ka gudubtaan
Guri aad yagleeshaan
Waa jacayl gadiisiyo
Kal gacaylkoo gaamuray

Guurkiinu raagyoo
Gurigiin samaayoo
Guulahay dhexdiinana
Gurbood iyo jacayl iyo
Kal gacaylka aan gurin
Gurya lagu nagaadiyo
Farxad aan go’ayn iyo
Ku gadaanyay naxariis

Dadku kala dun wacan! Walaashay Gobaad iyo walaalkay Ilaahay guurkooda iyo gurigoodaba ha raajiyo! Aniga oo aan Gobaad xigsanayn, maadaama ay dhalasho ahaan ii siman yihiin, waxaan ogahay in walaalkay gabar dun wacan oo gob ah Ilaahay calf ugu daray. Waxaana rajaynayaa in ay nolol farxad leh ku wada noolaadaan oo ay si wanaagsan isu dhaqdaan.

Soomaalidu waxay dhahaan, hadaan lakala roonaan, roob ma da’o. Wanaaga guurka iyo jacaylkuna waxay ku dhisan yihiin samir iyo cafis badan. Qofkii aad jeclayd ee aad nolosha la wadaagtay hadii uu ku xumeeyo ama uu calafkiinuna dhamaado, ma cafin lahayd oo mar kale nolosha ma la wadaagi lahayd?

4 thoughts

  • Markasta cafisku wuxuu dhayaa boogaha.
    Qofka cafiska badan ayaa mar kasta guuleysta.
    Labada qof ee dhab isu jecel haddii ayna xiitaa is calfanin, jaceylkoodu ma duuguubo abid.
    Maalmihii farxadda iyo haasaawihii ay soo mareen ayaa qalbiyadooda kureeba xasuus.

  • Maashaa Allaah waa sheeko jacayl oo u qalanta in casharro laga barto. Ilaahay guurkooda ha barakeeyo, awlaad saalixiin ah na ilaahay hakala siiyo. Adigana Faaduma ilaahay caqliga iyo xikmadda hakuu siyaadiyo abaayo. Nin ka ku helaa nasiib badanaa.

  • Masha’Allah, dadku kala dun macaan wallahi, dad ayaa hadii aad mar khalad ka gashid waligaa aan ku cafinayn. Runtii gob way tahay gabadhan, Allaha isku barakeeyo.

    Anigu waan cafin lahaa.

  • WAAA SAAS HUUNO HADDI LA KALA ROONAN ROOB MA DA.O CAMAL EE SABIRKA REER LAGU DHAQAA SI FIICAN SAMEEYSAN SXB GOBAAD EE ADDI KU DAYO CAMAL…

Leave a Reply