Blog

Kala Fogaynta Cilmiga Maadiga iyo Cilmiga Diiniga – Qaybtii 1aad

Inta badan, waxaan cilmiga u doonanaa laba goobood. Goobaha koobaad, waa goobaha cilmiga maadiga ah lagu barto sida iskuulada, jaamacadaha, iyo wixii la hal maala.  Goobaha labaadna waa goobaha cilmiga diiniga ah lagu barto sida masaajidda, madarasooyinka, dugsiyada, malcaamadaha, mawlacyada, iyo goobaha la midka ah ee diinta laga barto. Marar badan waxaan is waydiiyay, sababta keentay in labadaa goobood ee cilmiga lagu barto lakala fogeeyo ama lakala saaro? Waxaan is waydiiyay waxa keenay in dad isku diin ahi, ay laba dhinac oo kala fog ay kala istaagaan, oo qaarna ku doodaan in cilmiga diiniga ahi uusan nolosha la jaan qaadi karin, qaarna ku doodaan in cilmiga maadiga ahi uu diinta khatar ku yahay? Waxaan is waydiiyay waxa keenay in la kala ilaaliyo ama la kala fogeeyo cilmiga maadiga, ah iyo cilmiga diiniga? Fikirka qaba in cilmiga maadiga ah iyo cilmiga diiniga ahi aysan is qaadan karin, oo ay tahay in lakala fogeeyo xagee ka yimid? Waxaan kaloo is waydiiyay waxa ka dhalan kara ama khatarta ka maankarta fikirkaas?

           Qoraalkan taxanaha ah, waxaan ku qaadaa dhigi doonaa sadex arimood. Arinta koobaad oo ah ah khataraha inooga imaan kara fikirka qaba in cilmiga diiniga ah iyo cilmiga maadiga ah aan la wada baran karin, ee mid kood lagu koobnaado, iyo in labada cilmi lakala fogeeyo iyada oo lagu doodayo in aysan is qaadan karin. Arinta labaad oo ah, muslimiintii hore sida ay ula fal gali jireen cilmiga maadiga ah iyo cilmiga diiniga ah iyo fikirka ay ka qabeen. Arinka sadexaad oo aah taariikhda fikirka qaba in cilmiga maadiga iyo diinigu aysan is qaadan karin, ee ay tahayyül in lakala saaro ama lakala ilaaliyo, meesha uu ka yimid iyo sida uu umada Islaamka ku saameeyay.

            Qaybta koobaad ee qoraalkan, waxaan ku qaadaa dhigi doonaa arinta koobaad ee ah khataraha ka imaan karta fikirkaas ama saamaynta uu bulshadeena ku yeelan karo. Inta aana uguda galin waxa aan ka soo ogaaday baadigoobkii aan u galay in aan jawaabo u helo suaalahaygaa, aan qeexo waxa aan ula jeedo cilmiga maadigga iyo waxan aan ula jeedo ama aynu u naqaan cilmiga diiniga ah.

            Cilmiga diiniga ah waxaan ugala jeedaa cilmi kasta oo la barto, oo la xiriira barashada diinta Islaamka sida Quraanka, tafsiirka, axaadiista, siirada Nabiga (SCW), af carabiga, fiqiga, caqiidada, taariikhda Islaamka, iyo qaybaha kala duwan ee soo hoos gala barashada diinta Islaamka. Cilmiga maadiga ahna waxaan ugala jeedaa ama aynu u naqaanaa cilmiyada iskuulada iyo jaamacadaha intooda badan lagu dhigto sida Sayniska, Xisaabta, dhaqaalaha, hindisida, caafimaadka, iyo wixii la halmaala.

           Hadaba, maxay tahay khataraha inooga imaan karta fikirka qaba in aan cilmiga diiniga iyo cilmiga maadiga ah aysan is qaadan karin ama aan lawada baran karin oo ay tahay in midkood lagu koobnaado ama lakala fogeeyo? Khataraha ka dhashay fikirkaan aad ayay u fara badan yihiin, mana aha waxa aan halkaan ku soo koobi karo, hase ahaatee, waxaan ka soo qaadanayaa hal khatar oo aan isleeyahay waa khatarta ugu waawayn ee uu fikirkani umada Islaamka, siiba dadka Soomaaliyeed uu u keenay ama uu hada ku hayo.

            Khatarta ugu wayn ee inooga timid fikirkaas, waa in uu wiiqmay hab fikirkii umada, in hogaankii cilmigu uu umada Islaamka ka wareegay, in uu wiiqay wax soo saarkii umada Islaamka, iyo in uu wiiqay fahankii Quraanka Kariimka ah iyo fariimihii uu inoo xambarsanaa. Quraanka qisooyin badan ayuu Ilaahay inooga sheekeeyay, qisawalba, xaraf walba, iyo aayad walba oo uu Ilaahay inoo sheegay, iskagama uusan keen sheegin, ee sabab ayuu Ilaahay inoogu sheegay, cilmi badanina wuu inoogu jira. Ilaahay meelo badan ayuu Quraanka inoogu sheegay in ay Quraanka inoogu jiraan wax qalbigeena suga ama xasiliya, toosin, waano, wacyi galin, iyo cilmiyo badan.

              Suuratul Huud, Aayada 120aad, Ilaahay wuxuu ku yiri,

وَكُلّٗا نَّقُصُّ عَلَيۡكَ مِنۡ أَنۢبَآءِ ٱلرُّسُلِ مَا نُثَبِّتُ بِهِۦ فُؤَادَكَۚ وَجَآءَكَ فِي هَٰذِهِ ٱلۡحَقُّ وَمَوۡعِظَةٞ وَذِكۡرَىٰ لِلۡمُؤۡمِنِينَ 

            “Dhammaan waxaannu kaaga qisoon wararkii rasuulada waxaan ku sugno qalbigaaga, waxaana taam kuugu yimid xaq iyo wacdi iyo waanada Mu’miniinta.” AUN Sheek Muxumad

              Suuratu Namal, Haayada lixaad wuxuu Ilaahay ku yiri,

وَإِنَّكَ لَتُلَقَّى ٱلْقُرْءَانَ مِن لَّدُنْ حَكِيمٍ عَلِيمٍ ٦

              “Adiguna Nabiyow waxaad kala Kulmi [lagaa siini] Quraanka Alle, fal san [xigmad] oo cilmi badan agtiisa”

                Quraanka in uu cilmi badani ku jiro Ilaahay ayaa inoo sheegay. Wali ma is waydiisay cilmi sidee ah ayaa Quraanka ku jira oo aan ka faaiidi karnaa? Malaga yaabaa in uu cilmigaasu nolosheena hada iyo tan aakhiraba aadamaha anfaco, oo uu wax cibaadada Alle ka badan ina taro? Mase is waydiisay xiriirka uu cilmiga Quranaka ku jiraayi, la yeelan karo cilmiga aan ula baxnay cilmiga maadiga? Malaga yaabaa in barashada cilmiga maadigu ay kuu furto fahanka Quraanka?

              Quraanku wuxuu inagu khasbaa in aan barano cilmiga maadiga qaybo badan oo ka mid ah. Barashada cilmiga maadiguna waxay inoo furtaa fahanka Quraanka iyo in aan ku baraarugno hanuunka, waanada, wacdiga, cilmiga, iyo faaiidooyinka kale ee Quraanka ku jira, oo nolosheena hada si toos ah u taaban kara. Maxaan uga jeedaa cilmiga maadigu wuxuu inoo furaa fahanka Quraanka oo aan fariimaha Ilaahay inoo galiyay Quraanka ayuu inoo sakhiraa in aan kala soo dhex baxno? Maxaanse ka wadaa Quraanka barashadiisa ayaa khasab ka dhigta in aan cilmiga maadiga ah barano? Afarta tusaale ee hoos ku qoran ayaan suaalahaa kaga jawaabayaa.

Tusaalaha Koobaad:

            Waagii aan dhigan jiray jaamacada heerka koobaad ee Bachelor of Science, ee aan baranayay maadada Mechnical Engineeringka, ayaa waxaan dhigtay wax lagu af ingiriiska loogu yeero friction. Frictionku waa wax ka dhasa laba shay oo kasta, oo is taabanaya, ama is lisaya, ama iyaga oo istaabanaya is garab socda, ama midkood uu socdo. Waa waxa lagu cabiro ama lagu fahmo, sababta ay u adagtahay in aan barafka ku dul socono, oo in aan dhulka caadiga ku dul socon ay uga fududahay in aan barafka ku kor socono. Barafka iyo kabaheena dhexdooda waxaa ku yar frictionka u dhaxeeya, sidaa darteen waan siibanaa oo si caadi ah uguma kor socon karno. Kabaheena iyo wadada caadiga ahna, waxaa ka badan frictionka u dhaxeeya, taas oo inoo saamaxda in aan wadada ku kor socono inaga oo aanaa siibanayn.

              Suuratu Daaha tafsiirkeeda markii aan dhiganayay, ee aan maraynay aayada 77aad, oo uu Ilaahay yiri,

وَلَقَدْ أَوْحَيْنَآ إِلَىٰ مُوسَىٰٓ أَنْ أَسْرِ بِعِبَادِى فَٱضْرِبْ لَهُمْ طَرِيقًۭا فِى ٱلْبَحْرِ يَبَسًۭا لَّا تَخَـٰفُ دَرَكًۭا وَلَا تَخْشَىٰ ٧٧

              “waxaan dhab ugu waxyoonay (Nabi) Muuse guuri addoomahayga uguna yeel waddo badda oo ingagan hana ka cabsan haleel, hana cabsan (Badda).” AUN Sheek Maxamuud Maxamad Cabdi Jabane.

            Sheekii oo tafsiirkii wada, ayaa waxaa igu soo dhacday, baddii Ilaahay u kala jeexay sida ay qoomkii Nabi Muuse ugu dul socdeen. Frictionkii aan iskuulka ku soo dhigtay ayaa maskaxdayda ku soo dhacay oo waxaan is waydiiyay, sida ay bada salkeeda ee ama ciida ah, ama dhagaxa ah, ama xayawaanku uu ku dhaganyahay, ay ugu dul socdeen? Maadaama uu dhagaxa, ciida, iyo xayawaanada badda salkeeda ku jira ay biyuhu wali ka qoyan yihiin, oo frictionku uu ku yar yahay. Sawiro dagaxaanta bada oo inta badan sulubka ah, oo biyo ka qoyan yihiin. Waxaa adag in lagu kor socdo. Waxaan is waydiiyay, dadkaa caruurta iyo ciroolahaba leh ee la eryanayay sida meeshii badda wadada looga furay ay ku mareen.

            Isla markiiba wuxuu sheekhu bilaabay in uu sharaxo wadadii Ilaahay u furay qoomkii Nabi Muuse (CS), oo uu Ilaahay ku tilmaamay in ay ahayd wado qalalan ama ingagan, oo waa ka Ilaahay yiri, فِي ٱلۡبَحۡرِ يَبَسٗا . Anigii waan gariiray oo xigmada, cilmiga, iyo awooda Ilaahay ayaan la fajacay. Inkastoo ay dad badan oo cilmiyo badan oo kala duwan bartay ay galaaska joogeen, waxaan ahaa halka qof ee Engineering ka bartay. Geesaha ayaan eegay, oo waxaan is iri bal eeg in cid kale kula argagaxday oo ereygaasu uu macno way u sameeyay. Waxaan garwaaqsaday in uusan eraygaas (يَبَسٗا) uusan macno badan ii sameeyeen hadii aanan friction jaamacadii aana engineeringka ku dhiganayay, aana ku soo baran lahayn. Ereygaas fahankiisa wuxuu Ilaahay iigu furay jaamacadii, dhulka gaalada ku taalay ee aysan Islaamku furan, waxa lagu dhigayana aysan umad Islaam ahi dajisan. Intii yarayd ee aan frictionka ka bartay, waxay ii siyaadisay fahankii aan aayadaa ama eraygaa Ilaahay iga siiyay.

Tusaalaha Labaad:

Suuratu Maaidah, Ilaahay wuxuu inoogu sheegay qisadii labadii wiil ee Nabi Aadan (CS) ee midkood midka kale dilay. Kii walaalkiis dilay, wuxuu garan waayay wax uu maydkii walaalkii ku sameeyo. Ilaahay wuxuu u soo diray shimbirka tukaha la dhaho, oo wuxuu tusay qaabka uu u aasi lahaa maydkii walaalkii. Ilaahay waaka aayada 30aad ee Suuratu Maaidah ku yiri,

فَبَعَثَ ٱللَّهُ غُرَابٗا يَبۡحَثُ فِي ٱلۡأَرۡضِ لِيُرِيَهُۥ كَيۡفَ يُوَٰرِي سَوۡءَةَ أَخِيهِۚ قَالَ يَٰوَيۡلَتَىٰٓ أَعَجَزۡتُ أَنۡ أَكُونَ مِثۡلَ هَٰذَا ٱلۡغُرَابِ فَأُوَٰرِيَ سَوۡءَةَ أَخِيۖ فَأَصۡبَحَ مِنَ ٱلنَّٰدِمِينَ

        “Wuxuuna Eebe u Bixiyey (Muujiyey) Tuke Faadhi Dhulka inuu tusiyo siduu u asturo maydka walaalkiis, wuxuuna yidhi shalaytee miyaan ka cajisay inaan noqdo Sida tukahan oon asturo maydka walaalkay wuxuuna ahaaday mid qoomamooda.” Tafsiirkii AUN Sheekh Maxamuud Muxumad Cabdi Jabane.

       Quraanku goorma ayuu Soomaalida soo gaaray? Waxaa la yiraahdaa diinta Islaamku waxay soomaalida soo gaartay xilligii Nabiga ilaa xilligii saxaabada. Waa mudo hada laga joogo  in kabadan 1400 oo sano.

           1989kii ayay carqalad la soo daristay ingineeradii nashqadeeyay tareenka Bullet Train la dhaho ee dalka Jabaan. Tareenkaasu wuxuu ahaa tareenka ugu xawaaraha badan. Markasta oo uu tareenku dhex marayo waddo dusmo ah, sida waddo buur dhexdeeda laga jeexay, wuxuu samayn jiray dhawaq aad u dheer oo cidii ilaa 400 oo meter ka dhawba, dhagaha tirayay. Sida ka muuqata sawirka hoose.

Tix Raac – Bullet Train oo Waddo Buur dhex marta ka dhex dusaya 

            Koox ingineero ah ayaa la isu keenay, si ay u sameeyaan tareen aan dhawaaqiisu dhagaha dadka tirayn. Ingineeradii loo xil saaray in ay tareenkaa dib u nashqadeeyaan, mid ka mid ah, ayaa ahaa dadka jecel in ay shimbiraha daawadaan. Maalin isaga oo shimbiro iska daawanaya, ayuu arkay shimbir aad u yar oo la dhaho, kingfisher. Shimbirtu waa shimbiraha kaluunka cuna. Wuxuu arkay in shimbirta afkeeda dhuubani, uusan biyihii dhaqaajinayn. Biyaha marka ay wax taabtaan way dhaqaaqaan, dhaqaaqaasina wuxuu keenaa in kaluunku dareemo in meesha la soo galay oo uu kala cararo.

             Ingineerkii wuxuu soo qaatay nashqadii afka shimbirta. Waxayna sameeyeen cilmi baaris ay ku ugaadeen in afka  tareenka ee ugu dhaw nashqada afka shimburtu uu yahay, tareenka ugu shanqarta yar.  Waxay ogaadeen in nashqada shimbirta afkeedu uusan biyaha dhaqaajin, sida ka muuqata sawirka hoose.

                                 

Tix Raac – Afka Shimbirta Kingfisher 

              Markii ay hubsadeen in shimbirta afkeedu in uu xalin karo carqaladii tareenka ka haysatay, ayay tareenkii afkiisii u ekaysiiyeen afkii shimbirta. Sida sawirka hoose ka muuqata.

Tix Raac – Shimbirta KingFisher iyo Tareenka Bullet Train

            Hadaba maxaa dhacay? Dhawaqii ilaa 400 ee meter soconayay ee dadka dhagaha tirayay way xaliyeen oo shanqartii tareenku samaynayay aad bay hoos ugu dhacday. Xawaarihii tareenku gaadhi karay wuu kor dhay, oo wuxuu gaaray ilaa 300 oo km halkii saacba. Tamarta tareenka isticmaalayay hoos ayay u dhacday taas oo macnaheedu yahay, in uu tareenka kharash kii hore ka yar uu ku baxo in la wado. Taas oo macnaheedu yahay in shacabkana looga raqiisin karo intii ay tareenkii hore ay ku bixin jireen, shirkaduna ay dakhli ka faaiidayso ka badan tareenkii hore intii ka soo gali jirtay.

            Tusaalahan maxaan u soo qaatay? Maxaanse kuu waydiiyay ilaa inta ay umadda Soomaaliyeed Quraanka haysteen? Ka waran hadii qof inaga mida, uu aayadaa markuu akhriyay, uu iinta ku fikiro, uu go’aansan lahaa in uu cilmiga shimbiraha ku duugan uu ku takhakhuso? Cilmiga aduunka maanta yaala ilaa heerkee ayaan gaarsiin kari lahayn? Wax intee dhan ayaan dunida ku soo kor dhin lahayn? In qofku sidaa u fikirose, soo kama horayso, qaabkii uu u fikiri lahaa ee uu Quraanka ugu dul fikiri lahaa in qofka la baro?

Tusaalaha Sadexaad:

Aayadan ilaa imisa jeer ayaad akhrisatay? Ama aad ma qashay qof akhrinaya? Aayada 21aad ee Suuratu Daariyaat ee uu Ilaahay yiri,

وَفِىٓ أَنفُسِكُمْ ۚ أَفَلَا تُبْصِرُونَ ٢١

            “Naftiinna miyaydaan arkaynin (waana qaadasho).” Tafsiirkii AUN Sheek Maxamuud Muxumad Cabdi Jabane.

            Imisa jeer ayaad maqashay aayadaha uu Ilaahay kaga hadlay jirka banii aadamka ama sida uu Ilaahay inoo abuuray? Imisa jeer ayaad maqashay aayada 14aad ee Suuratul Mu’minuun?

ثُمَّ خَلَقۡنَا ٱلنُّطۡفَةَ عَلَقَةٗ فَخَلَقۡنَا ٱلۡعَلَقَةَ مُضۡغَةٗ فَخَلَقۡنَا ٱلۡمُضۡغَةَ عِظَٰمٗا فَكَسَوۡنَا ٱلۡعِظَٰمَ لَحۡمٗا ثُمَّ أَنشَأۡنَٰهُ خَلۡقًا ءَاخَرَۚ فَتَبَارَكَ ٱللَّهُ أَحۡسَنُ ٱلۡخَٰلِقِينَ

             “Markaasaan ka Abuuray Dhibicdii Calaqo kana Abuuray Calaqdii Goosin, kana Abuuray Goosintii Lafo oon Huwinnay Lafihii Hilib Markaasaan ka ahaysinnay Khalqi kale, waxaa Khayr Badnaday Eebaha Abuurkiisu Fiicanyahay.” Tafsiirkii AUN Sheekh Maxamuud Muxumad Cabdi Jabane.

             Ka waran hadii qof inaga mid ah, uu u qalab qaadan lahaa in uu barto oo uu si qoto dheer u fahmo qaabka uu Ilaahay banii aadamka u abuuro ama uu jirka aadamaha dib u fiiriyo oo uu isku dayo in uu soo ogaado ama wax ka soo barto abuurka fiican, ee cajiibka ah, ee Ilaahay? Micno intee le’eg ayay aayadani inoo samayn lahayd? Fahanka aan aayadaan fahansanahay ilaa heerkee ayuu gaari lahaa? Aduunka cilmi intee le’eg ayaan ku soo kor dhin lahayn? Imisa sano ayaan fahanka qaabka ilmuha uu caloosha Ilaahay ugu abuuro, intee sano ka hor ayaan aduunka bari kari lahayn?

             Quraanku goorma ayuu inoo yimid ayaan niri? Mudo hada laga joogo in kabadan 1400 oo sano, soo maaha? Aayadaha iyo cilmiga jirkeena ama nafteena ku jira, tolow maxay kaloo noqon karaan? Kawaran haduu midkeen ku dhaqaaqi lahaa in uu aad u barta qaabka Ilaahay jirka u nashqadeeyay? Cilmigaasi tolow muxuu aadamaha u tari lahaa?

             Ka waran hadaan ku iraahdo koronto ayaa jirkaaga ku dhex jirta oo uu Ilaahay ku dhex abuuray? Cilmi baaris ayaa waxaa lagu ogaaday in wadnuhu uu koronto ku shaqeeyo, koronto dabiici ah oo uu Ilaahay jirka ku dhex abuuray, oo uu wadnuhu ku shaqeeyo si uu dhiiga u kala wado. SA node ka iyo AV node ka midabka jaalaha ah ama huruudiga ah ee sawirka hoose lagu muujinayo, ayaa ah wadiiqaha korontada wadnahu marto. Cilmi baaristaa ay dad badani gacan ku lahaayeen, oo laga yaabo in dadka qaarkood ay cimrigoodii oo dhan ay ku bixiyeen, oo dhaqaale badan lagu badan bixiyay, ee lagu ogaaday in uu wadnuhu koronto ku shaqeeyo, maxaa faaiido ah oo inoogu jira? Ama qaabkee ayuu aadamuhu uga faaiidaystay?

Tix Raax – Korontada Wadnaha

             Kun sagaal boqol iyo kontomeeyadii, oo dadkii dhashay in badani ay wali nool yihiin, waxaa Gobolka Minisoota ka tagi jiray korontada marka ay dabayluhu ama duufaanadu dhacaan. Isbitaal ku yaalay gobolkaas, ayaa wadnaha lagu qali jiray, oo dadka koronto lagu dhajin jiray si uu wadnahoodu u garaaco inta uu ka bogsanayaan ama inta uu qaliinku ku socdo. Korontadaa mararka qaarkood tagi jiray, ayaa khatar wayn ku ahayd dadkaa qalan ama la qalayo. Dhakhtar ka mid ah dhakhtaradii wax qalayay, ayaa wuxuu la hadlay ingineer. Wuxuuna ka codsaday in uu u sameeyo, koronto batari ku xiran oo hadii ay korontadu tagtu, uusan qofku dhimanayn, oo uu batarigii wadnaha cofka garaacsiinayo, oo uu dhiigii qofku lirka saa ugu kala soconayo. Ingineerkaas waxaa la oran jiray, Earl Bakken. Dhakhtarkii wuxuu u sameeyay wixii uu ka codsaday. Wuxuuna furay shirkad la dhaho Medtronic, oo ka mid ah shirkadaha aduunka ugu waawayn ee soo saara qalabka caafimaadka.

            Shirkadaas qalabka ay soo saartay waxaa ka mid ah, qalab yar oo wadnaha qofka la dhex galiyo, oo ilaaliya garaaca wadnaha. Qalabkaasu waxba kamą wayna hal xubin oo xubnaha faryarada ka mid ah. Hadii uu garaaca wadnuhu ka baxo xadkii Ilaahay ugu tala galay, koronto qiyaasan ayuu qalabkaasu wadnaha ku siidaayaa, oo wuxuu saxaa garaacii wadnaha. Hadii wadnuhu qofka istaagana, koronto qiyaasan ayuu ku sii daayaa, oo wadnihii ayuu dib u shidaa. Sawirka hoose waa qalabkaas yar, balse nafta qofka badbaadiya.

              Qalabkaasi wuxuu ku yimid fahanka nashqada Ilaahay iyo sida uu wadnaha banii aadamka Ilaahay u sameeyay. Aayad ka wayni miyay jirtaa in uu qofku fahmo qaabka cajiibka ah ee uu wadnihiisu korontada ugu shaqaynayo? Haduu qofku fahmi lahaa cilmiga la xiriira jirka banii aadamka, iyo qaabka uu u shaqeeyo, macno intee le’eg ayay aayadahaasu u samayn lahaayeen? Hadii aayadaan marka aan kor istaagno oo aan ku fakarno, midkeen u qalab qaadan lahaa, cilmigaan malaga yaabaa in aan kun iyo dhawr boqol oo sano aan aduunka uga horayn lahayn?

  Tix Raac – Qalab wadnaha la galiyo oo garaaciisa ilaaliya

Tusaalaha Afaraad: 

Suratu Nisaa Ilaahay wuxuu inoogu sheegay dhaxalka dadka la yiraahdo ehlul Faradka oo ah dadka uu isagu dhaxalkooda u jaangooyay, aayadahaas waxaa ka mid ah aayada 11aad,

يُوصِيكُمُ ٱللَّهُ فِيٓ أَوۡلَٰدِكُمۡۖ لِلذَّكَرِ مِثۡلُ حَظِّ ٱلۡأُنثَيَيۡنِۚ فَإِن كُنَّ نِسَآءٗ فَوۡقَ ٱثۡنَتَيۡنِ فَلَهُنَّ ثُلُثَا مَا تَرَكَۖ وَإِن كَانَتۡ وَٰحِدَةٗ فَلَهَا ٱلنِّصۡفُۚ وَلِأَبَوَيۡهِ لِكُلِّ وَٰحِدٖ مِّنۡهُمَا ٱلسُّدُسُ مِمَّا تَرَكَ إِن كَانَ لَهُۥ وَلَدٞۚ فَإِن لَّمۡ يَكُن لَّهُۥ وَلَدٞ وَوَرِثَهُۥٓ أَبَوَاهُ فَلِأُمِّهِ ٱلثُّلُثُۚ فَإِن كَانَ لَهُۥٓ إِخۡوَةٞ فَلِأُمِّهِ ٱلسُّدُسُۚ مِنۢ بَعۡدِ وَصِيَّةٖ يُوصِي بِهَآ أَوۡ دَيۡنٍۗ ءَابَآؤُكُمۡ وَأَبۡنَآؤُكُمۡ لَا تَدۡرُونَ أَيُّهُمۡ أَقۡرَبُ لَكُمۡ نَفۡعٗاۚ فَرِيضَةٗ مِّنَ ٱللَّهِۗ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَلِيمًا حَكِيمٗا

             “Wuxuu idiin Dardaarmi Eebe Caruurtiinna kan Lab la mid Qaybta Labo Dhadig, Hadday Yihiin Hawween ka Sarreeya Labo waxay Mudun Labo Dalool wiixuu ka Tagay, hadday tahay mid waxay Mudan Nus, Labada Waalidna mid kastoo ka mid ah wuxuu Mudan Sudus (Iix meelood meel) Hadduu ka Dhintay (Ilmahoodu) Caruur, hadduu Caruur lahayn oy Dhaxlayaan Labada Waalid Hooyadu waxay Mudan Saddex Meelood Meel, Hadduu Walaalo leeyahay Hooyadu waxay Mudan Sudus Dardaaranka iyo Daynta ka Dib, Aabayaalkiina iyo Wiilashana ma Ogidin Kooda idinku Dhaw Nacfi, waa Faralyeel «Qaddaraad» Eebe, Ilahayna waa Oge Falsan.” Tafsiirkii AUN Sheekh Maxamuud Muxumad Cabdi Jabane.

             Aayadaas waxaa ku jira xisaabta jajabka la dhaho sida laba meelood meel, sadex meelood meel, lix meelood meel, iyo wixii la mid ah. Qofku hadii uusan xisaabta baran, sidee ayuu ku fahmayaa aayadaha dhaxalka? Qaabkee ayuuse wax u qaybin lahaa? Qofku hadii uu fahmo aayadaha dhaxalka, soo xisaabta jajabku uma fududaateen? Xisaabta dadka dhidibada u aasay, oo qaybo kamid ah oo hada iskuulada lagu dhigo, loogu magac daray, waxaa la dhahaa waxaa sababtay aayaadka xisaabtu la socoto sida aayaadka qaybinta dhaxalka. Waxaa la dhahaa cilmiga xisaabta waxa heerkaa gaarsiiyay waa baahidii ay muslimiintu u qabeen in dhaxalka ay qaybsadaan. Waana sababta keentay in culimadii Islaamku ay kaalin wayn ka qaataan horumarinta cilmiga xisaabta. Qaybha soo socda ee qoraalkan taxanaha ah ayaan ku qaadaa dhigi doonaa.

             Umada Islaamka ah, dib u dhaca ugu wayn ee ku yimid waxaa kow ka ah labada cilmi ee lakala fogeeyay, ee Quraankii iyo diintiina cibaadada kaliya lagu soo koobay, maadigiina laga dhigay wax kuligii xun oo diinta khatar ku ah. Labadaa dhinac ee aadka u kala fog, ee midna cilmigii diinta ahaa ka didayo, midna cilmigii maadiga ahaa ka didayo, midna dan inooguma jirto. Waayo labaduba waxay wiiqayaan qaab fikirka iyo horumarka umada Islaamka ah. Sida aan kor ku soo sheegay, cilmiga maadiga ah ee caafimaadka qaba, ee aysan ku jirin wax diinteena ka hor imaanaya, iyo cilmiga diiniga ahi makala maarmaan oo way is kabaan. Nolosha iyo jiritaanka umaduna kama maarmo in uu helo dad labada cilmiba kulansaday, oo meel fiican ka gaaray in ay umadaa ka mid noqdaan, oo ay uga faaiideeyaan. Mana aha in labada cilmi lakala ilaaliyo, oo lakala fogeeyo, ee waa in lagu dadaalo sidii labadoodaba lagu baran lahaa, umadana looga faaiidayn lahaa. Waa in ubadka Islaamka ah loo furo iskuulo iyo jaamacado ay tacliinta noocyadeeda kala duwan ku baran karaan. Waa in umada wacyigeeda kor loo qaado oo lagu dadaalo sidii cilmiga, diini iyo maadiba, meel fiican looga wada gaari lahaa.

             Wixii khalad ah ama gaf ahi, naftayda iyo shaydaan ayay ka yimaadeen. Ilaahay cilmiga uu ina siiyay ha inagu anfaco. Ilaahay cilmiga iyo caqligaba ha inoo furo. Ilaahay ha ina garan siiyo in aan diinta iyo cilmiga aan maadiga ula baxnayba, aan barashadiisa falawgeeda galno. Ilaahay fahanka Quraankiisa ha inoo furo. Ilaahay cilmi ina anfaca ha inagu aarsaaqo.

 Tix Raac:

  1. Quran
  2. “A Kingfisher Inspired a Bullet Train: Earth.”EarthSky, 10 Dec. 2017, https://earthsky.org/earth/sunni-robertson-on-how-a-kingfisher-inspired-a-bullet-train/.
  3. “The Kingfisher and the Bullet Train – in the News.”GTAC, https://gtac.edu.au/the-kingfisher-and-the-bullet-train-in-the-news/.
  4. Li, Jolie. “Shinkansen: The Bullet Train Inspired by Kingfishers.”Medium, UX Collective, 20 Apr. 2021, https://uxdesign.cc/shinkansen-the-bullet-train-inspired-by-kingfishers-bf6173cc5eae.
  5. “Anatomy and Function of the Heart’s Electrical System.”Anatomy and Function of the Heart’s Electrical System | Johns Hopkins Medicine, 8 Aug. 2021, https://www.hopkinsmedicine.org/health/conditions-and-diseases/anatomy-and-function-of-the-hearts-electrical-system.
  6. “Celebrating Earl Bakken.”Medtronic, https://www.medtronic.com/au-en/about/news/celebrating-earl-bakken.html.
  7. “World’s Smallest Pacemaker Can Now Treat AV Block.”Medical Product Outsourcing, https://www.mpo-mag.com/contents/view_breaking-news/2020-01-21/worlds-smallest-pacemaker-can-now-treat-av-block/.
  8. Mallonee, Laura. “This Perfect Photo of a Kingfisher Was 720,000 Pictures in the Making.” Wired, Conde Nast, 5 Jan. 2016, https://www.wired.com/2016/01/alan-mcfadyen-kingfisher-dive/.
  9. “A Design Handbook with Form, Texture and Color Inspiration from Nature.” Nature of Form, https://natureofform.com/.

Mahadsandidiin. Wixii falcelin ah waa xagiina.

 

The rights to all the images in this post are reserved for the original owners. The images were used for educational purposes only.

All rights reserved © Fadumo Yusuf 2022.

One thought

Leave a Reply