Blog

Sadkaaga Aduunka

Waxaan Saadirkaagu kuu qorin

Hobeey sina ku qaadan maysid

 

Sadkuu kuu soocay mooyee

Hobeey samo kale haraadin

 

Sadkaaga adoon saluugin

Hobeey sacabada u hoorso


Adoo qalbigaaga suggaya

Hobeey samir keeda yeelo

 

Hadaad sayruuq u raacdo

Hobeey samadaa saraysa

 

Amaad sidii diin badeedka

Hobeey badda surun surqayso

 

Amaad safartood ku meerto

Hobeey suuqyada aduunka

 

sadkuu kuu soocay mooyee

Hobeey senti kale malihideey

 

Waloow sadarkaa koreeya

Hobeey sax yahoo sanyahayee

 

Hadana saa laguma daynoo

Hobeey sabab baa na saaran

 

Wiixii samo ahee aad doonto

Hobeey sababteeda keenso

 

Macbuudka inaga sareeyaa

Hobeey sunnaheed kayeelee

 

copyright © Fadumo Yusuf “Derbi” 2019

Tags:

Leave a Reply