Blog

Sida Loo Hanto Hankaaga

Wax walba oo wax qabta, tamar ama awood ay wixii ku qabtaan ayay u baahanyihiin. Banii aadamka tamartiisa uu wax ku qabto mararka qaarkood waa mid jireed oo ah xubnihii jirku in ay awoodaan in ay wixii qabtaan. Mararna waa mid maskaxeed oo ka awood iyo qoto dheer mida xubneed maadaama aysan tii xubnuhu shaqaynayn hadii ay tii maskaxdu meesha ka maqantahay. Hadaba Sidee ayaad tamartaa ku noolayn kartaa si aad u hanato hankaaga?

Marka aan daalo. Marka ay naftu igu tiraahdo iska iloow riyadaada iyo hadafkaaga oo iska seexo. Marka aan arko in dadaalka aan ugu jiro in aan hanto riyadayda ama yoolkayga uu sii yaraanayo, waxaan naftayda ku dhiiri galiyaa oo aan awoodayda ku soo nooleeyaa dhawr shay. Dhawrkaa shay waxaan ka helaa awood, garab, gaashaan iyo kartidii aan u baahnaa si aan u hanto hankayga. Waxaan idinla wadaagayaa mid kamida dhawrkaa shay oo iga caawiyay in aan gaaro ama hanato hadafyo badan, adigana aan rajaynayo in uu kaa caawiyo.

Shayga koobaad ee igu caawiyay in aan ka lib keeno hadafyo badan oo aan lahaa oona  rajaynayo in uu iga caawiyo hadafyo badan oo aan leeyahay, waa qisadii Nabi Muuse (Calayhi Salaam) markii uu cilmiga doontay. Waxaa ka mida ahaa yoolalka aan la haa ee ay qisadani  iga caawisay in aan dhamaystiro jaamacada heerka labaad oo aan diyaariyo Masters Degree. Markii aan iskuulka ku noqday, waxaan mar kaste awoodayda ku soo noolayn jiray qisadan. Waxaan isku dhihi jiray, “Faadumooy hadii aad rabto in aad cilmi barato oo aad jaamacada heerka labaad dhamayso, waa in aad samir la timaado sidii Nabi Muusena aad falankeeda qabato sidii aad ku hanan lahayd hadafkaan. Ama hakugu adkaato, ama daal, ama hurdo waa, ama maduxu haku xanuuno, ama ooy oo barooro, waa in aad dhamayso jaamacada heerka labaad oo aad ka lib keento.” Waxaan naftayda ku dhiiri galin jiray qisadan.

Nabi Muuse markii uu ogaaday in uu jiro adoon Ilaahay oo isaga ka cilmi badan waxa uu go’aan adag ku gaaray in uu raadiyo adoonkaas oo uu cilmi ka soo barto. Hadafka Nabi Muuse wuxuu ahaa in uu helo adoonkaas Ilaahay oo uu cilmi ka soo barto. Waxa moobaad ee lagaaga baahanyahay si aad u gaarto himiladaada oo aad hanato hankaaga waa in aad goaansato oo aad hoosta ka xariiqdo hadafkaaga.

وَإِذْ قَالَ مُوسَىٰ لِفَتَىٰهُ لَآ أَبْرَحُ حَتَّىٰٓ أَبْلُغَ مَجْمَعَ ٱلْبَحْرَيْنِ أَوْ أَمْضِىَ حُقُبًۭا

Nabi Muuse wuxuu Ilaahay u shwegay in uu qaato kaluun, meesha ay ku waayaana ay ka helayaan adoo kii. Markii ay mudo socdee Nabi Muuse iyo wiilkii la socday waxa ay ku kor nasteen dhagax. Meeshii intii ay ku nasanayeen ayaa wiilkii wuxuu arkay kaluunkuu oo inta soo noolaaday badii si cajiib ah u dhex galay. Wiilkii Nabi Muuse waxba markiiba uma uusan sheegin wuuna iska hilmaamay. Meeshii markay ka soo hayaameen oo ay daaleen ayuu Nabi Muuse wiilkii ku yiri, qadadeenii (kaluunkii bada galay) noo soo bixi aan qadaynee. Hasayeeshee wiilkii waxa uu u sheegay in uu kaluunkii si cajiiba bada u galay. Nabi Muuse wuxuu wiilkii u sheegay in ay meeshaasi ahayd meeshii ay u socdeen. Waxay dib u soo qaadeen raadkoodii. Waxay midani ku tusaysaa in mararka qaarkood ay kaa hor imaan karaan carqalado aadiga awoodaada ka baxsan oo kugu kalifaya in aad raadkaagii dib ugu noqoto. Hadii aad kooweey koow aad kasoo bilawdana aysan macnaheedu ahayn in aad ku guul daraysatay in aad hanato hankaagii balse ay tahay wadadii aad ku gaari lahayd, hadii aad ka caajistana aad hadafkaagii aad ku waayi kartid. Nabi Muuse uma ogolaan in daalkaas iyo meeshii oo ay soo dhaafeen ay ka hor istaagaan hadafkii uu lahaa. Nabi Muuse had iyo hor Allah ayuu dib u soo qaaday raadkiisii. Meeshii markii ay ku soo noqdeena waxay ka helay Adoonkii Ilaahay ee ay raadinayeen. Waxa uuna Nabi Muuse u sheegay hadafkiisii oo ahaa in uu cilmi ka barto.

فَلَمَّا جَاوَزَا قَالَ لِفَتَىٰهُ ءَاتِنَا غَدَآءَنَا لَقَدْ لَقِينَا مِن سَفَرِنَا هَـٰذَا نَصَبًۭا

قَالَ أَرَءَيْتَ إِذْ أَوَيْنَآ إِلَى ٱلصَّخْرَةِ فَإِنِّى نَسِيتُ ٱلْحُوتَ وَمَآ أَنسَىٰنِيهُ إِلَّا ٱلشَّيْطَـٰنُ أَنْ أَذْكُرَهُۥ ۚ وَٱتَّخَذَ سَبِيلَهُۥ فِى ٱلْبَحْرِ عَجَبًۭا

قَالَ ذَٰلِكَ مَا كُنَّا نَبْغِ ۚ فَٱرْتَدَّا عَلَىٰٓ ءَاثَارِهِمَا قَصَصًۭا

فَوَجَدَا عَبْدًۭا مِّنْ عِبَادِنَآ ءَاتَيْنَـٰهُ رَحْمَةًۭ مِّنْ عِندِنَا وَعَلَّمْنَـٰهُ مِن لَّدُنَّا عِلْمًۭا

قَالَ لَهُۥ مُوسَىٰ هَلْ أَتَّبِعُكَ عَلَىٰٓ أَن تُعَلِّمَنِ مِمَّا عُلِّمْتَ رُشْدًۭا

Intaa ka dib waxaa Nabi Muuse la soo daristay carqalad kale oo ah in uu samir iyo dhabar adayg u yeesho hadafkiisii ahaa in uu Nabi Khadar cilmi ka barto. Nabi Muuse waxaa la soo darsay waxyaabo ka baxsan awoodiisa iyo cilmiga uu Ilaahay siiyay. Nabi Khadar waxa uu u sheegay Nabi Muuse, in uusan awood u lahayn in uu isaga raaco si uu cilmi uga barto. Nabi Muuse wuxuu u sheegay, in hadii uu Ilaahay idmo, uu noqonayo mid samra. Nabi Khadar hal xujo ayuu ku xiray Nabi Muuse. Xujadaas oo ahayd in uusan waxba su’aalin ilaa uu isagu u waramayo.

قَالَ فَإِنِ ٱتَّبَعْتَنِى فَلَا تَسْـَٔلْنِى عَن شَىْءٍ حَتَّىٰٓ أُحْدِثَ لَكَ مِنْهُ ذِكْرًۭا

فَٱنطَلَقَا حَتَّىٰٓ إِذَا رَكِبَا فِى ٱلسَّفِينَةِ خَرَقَهَا ۖ قَالَ أَخَرَقْتَهَا لِتُغْرِقَ أَهْلَهَا لَقَدْ جِئْتَ شَيْـًٔا إِمْرًۭا

قَالَ أَلَمْ أَقُلْ إِنَّكَ لَن تَسْتَطِيعَ مَعِىَ صَبْرًۭا

قَالَ لَا تُؤَاخِذْنِى بِمَا نَسِيتُ وَلَا تُرْهِقْنِى مِنْ أَمْرِى عُسْرًۭا

فَٱنطَلَقَا حَتَّىٰٓ إِذَا لَقِيَا غُلَـٰمًۭا فَقَتَلَهُۥ قَالَ أَقَتَلْتَ نَفْسًۭا زَكِيَّةًۢ بِغَيْرِ نَفْسٍۢ لَّقَدْ جِئْتَ شَيْـًۭٔا نُّكْرًۭا

قَالَ أَلَمْ أَقُل لَّكَ إِنَّكَ لَن تَسْتَطِيعَ مَعِىَ صَبْرًۭا

قَالَ إِن سَأَلْتُكَ عَن شَىْءٍۭ بَعْدَهَا فَلَا تُصَـٰحِبْنِى ۖ قَدْ بَلَغْتَ مِن لَّدُنِّى عُذْرًۭا

فَٱنطَلَقَا حَتَّىٰٓ إِذَآ أَتَيَآ أَهْلَ قَرْيَةٍ ٱسْتَطْعَمَآ أَهْلَهَا فَأَبَوْا۟ أَن يُضَيِّفُوهُمَا فَوَجَدَا فِيهَا جِدَارًۭا يُرِيدُ أَن يَنقَضَّ فَأَقَامَهُۥ ۖ قَالَ لَوْ شِئْتَ لَتَّخَذْتَ عَلَيْهِ أَجْرًۭا

قَالَ هَـٰذَا فِرَاقُ بَيْنِى وَبَيْنِكَ ۚ سَأُنَبِّئُكَ بِتَأْوِيلِ مَا لَمْ تَسْتَطِع عَّلَيْهِ صَبْرًا

أَمَّا ٱلسَّفِينَةُ فَكَانَتْ لِمَسَـٰكِينَ يَعْمَلُونَ فِى ٱلْبَحْرِ فَأَرَدتُّ أَنْ أَعِيبَهَا وَكَانَ وَرَآءَهُم مَّلِكٌۭ يَأْخُذُ كُلَّ سَفِينَةٍ غَصْبًۭا

وَأَمَّا ٱلْغُلَـٰمُ فَكَانَ أَبَوَاهُ مُؤْمِنَيْنِ فَخَشِينَآ أَن يُرْهِقَهُمَا طُغْيَـٰنًۭا وَكُفْرًۭا

فَأَرَدْنَآ أَن يُبْدِلَهُمَا رَبُّهُمَا خَيْرًۭا مِّنْهُ زَكَوٰةًۭ وَأَقْرَبَ رُحْمًۭا

وَأَمَّا ٱلْجِدَارُ فَكَانَ لِغُلَـٰمَيْنِ يَتِيمَيْنِ فِى ٱلْمَدِينَةِ وَكَانَ تَحْتَهُۥ كَنزٌۭ لَّهُمَا وَكَانَ أَبُوهُمَا صَـٰلِحًۭا فَأَرَادَ رَبُّكَ أَن يَبْلُغَآ أَشُدَّهُمَا وَيَسْتَخْرِجَا كَنزَهُمَا رَحْمَةًۭ مِّن رَّبِّكَ ۚ وَمَا فَعَلْتُهُۥ عَنْ أَمْرِى ۚ ذَٰلِكَ تَأْوِيلُ مَا لَمْ تَسْطِع عَّلَيْهِ صَبْرًۭا

Nabi Muuse markii uu Nabi Khadar raacay waxa uu arkay Nabi Khadar ama Adoonkii Ilaahay Cilmiga siiyay oo samaynaya waxyaalo ka baxsan fahanka Nabi Muuse. Waxyaalahaas oo ahaa doon masaakiin leeyihiin oo uu iin u yeelay, cunug yar oo uu dilay, iyo darbi uu u dhisay magaalo marti soori wayday. Intuba caqliga banii aadamka waa wax uusan qaadi karin oo uu farayo wixii dhacay wax ka soo horjeeda. Nabi Muuse wuxuu su’aalay sababta uu u sameeyay sadexda ficil ee kor ku xusan, mid walba marka uu sameeyo ka dib. Nabi Khadar markaste waxa uu xasuusiyay Nabi Muuse balantoodii ahayd in uusan wax su’aala waydiinin ilaa uu isagu uga waramo. Waxayna ku heshiiyeen in ay kala tagaan mar sadexaad hadii uu su’aal waydiiyo. Nabi Muuse waa uu waydiiyay oo sugidii iyo samirkii ma yeelan uu ku xujeeyay Nabi Khadar, waayo wuxuu Nabi Khadar samaynayay wax Ilaahay amray balse ka baxsan fahanka iyo caqliga aadamaha kale ee aan Ilaahay siinin cilmigaas. Intii aysan kala harin waxa uu Nabi Khadar uga jawaabay Nabi Muuse su’aalihii. Halkaas ayayna ku kala hareen. Waxaan halka ka baranaynaa laba wax.

Tan koobaad oo ah in Ilaahay qadartiisa iyo qadihiisaba lagu kalsoonaado oo xitaa hadii aynaan fahmayn Ilaahay sida uu wax u maamulayo aynu samirno. Ilaahayna uu markaste khayr iyo wanaag nala damacsanyahay xitaa hadii ay inaga halaga iyo dhib inoola muuqato. Waayo Ilaahay ayaa naga cilmi badan, wixii tagay, waxa socda iyo waxa soo socdabana isaga kaliyaa og. Mararka qaarkood waxaa naga hor imaani kara waxyaalo ka baxsan awoodeena oo aynaan fahmi karin sababta ay u dhacayaan. Waxaa la inooga baahanyahay in aynu kala barano waxa awoodeena ka baxsan iyo wixii aan ka baxsanayn. Wixii tabarteena ahna aynu samayno, wixii tabarteena ka baxsana aynu Ilaahay u dayno oo aynaan isku wareerin. Maskaxda banii aadamku xad ayay leedahay oo wax walba ma fahmi karto. Cilmi baarisyada iyo sayniska ugu sareeya maanta ee banii aadamku haystana xitaa ma gaarin heer ay fahmaan sida maskaxda oo dhani ama jirka banii aadamka kuligii u shaqeeyo. Marka waa in aan Ilaahay kaashano oo wixii awoodeena ka baxsan u dayno, khayr iyo guulna Ilaahay ka filano waayo wax walba wuu awoodaa. Riyadaada, himiladaada, hadafkaaga ama yoolkaagu Ilaahay waxba kuma aha oo waxaa ka xiga ku (ahow) fa ya kuun (wuuna ahaani).

Tan labaad ee aan ka baranayno oo inaga caawin karta in aan hadafkeena gaarno waa in uu qofku u dhabar adaygo sida uu hadafkiisa u gaari lahaa. In uu isku dayo in uu gaaro xitaa hadii ay u muuqato in uusan awoodin. In uusan rajada dhigin ee dadaalo wixii tabartiisa ah. Inta aad hadafkaaga raadintiisa ku jirtana waxaa dhici karta in aad la kulanto waxyaalo aad is leedahay uma qalantid ama ay adagtahay in aad u dhabar adaygto. Waxa adiga iyo hadafkaaga in aad hanato idiin dhaxeeya waa tii Ilaahay iyo sida aad ugu samirto ama aad ugu dhabar adaygto ama aad uga gudubto carqalad kaste oo kula soo darista.

Hadaba hadii aad rabto in aad hadafkaaga hanato oo aad riyadaada hesho waxaad ku dadaashaa samirka iyo u dhabar adayga dhibaato kaste oo kaala soo kulmi karta inta aad raadkiisa hayso. In aad goaankaaga aad  hoosta ka xariiqdo. In aad falkii ama ficilkii aad ku gaari lahayd aad la timaado. Sida Soomaaliduba horay u tiri, xaglo laaban xoolo kuma yimaadaan ninkii seexdana uu sicii dibi dhalay. Iyo in aad Ilaahay tala saarato oo wixii awoodaada ka baxsan aadan isku wareerin ama isku niyad jabin. Ilaahayna khayr ka filo oo niyada khayr u sheeg.

Waxa aad is waydiisan su’aalahan: Waa maxay himiladaadu? Maxaa kamida yoolalka aad rajaynayso in aad dhawaan gaarto iyo kuwa aad rajaynayso in aad mar uun intaad nooshahay aad gaarto? Maxaa lagaaga baahan yahay in aad samayso si aad u gaarto hadafyadaa? Maxaa carqaladaa oo kaa hor istaagi kara in aad hadafkaa gaarto? Maxaad uga baahantahay dadka kale in ay kaa garab istaagaan si aad u gaarto hadafkaaga? Maxaa faaiido ah oo adiga iyo makhluuqa Ilaahayba faaiido ugu jira in aad hadafkaa gaarto? Muxuu dhib ama saamayn aan wanaagsanayn ay ku yeelan karaan hadafyadaadu adiga iyo aduunkaba?

Waxaan Ilaahay kaaga baryayaa in uu riyadaada kuu rumeeyo oo uu kuu dhib yareeyo in aad hadafkaaga hanato. Dadaal, samir, dhabar adayg iyo Ilaahay oo aan talo saarano ayaa inoo balana.

Waa la doogiye, yaan la dacaroon!

 

Waa la doogiye, yaan la dacaroon!

 

Waa la doogiye, yaan la dacaroon!

 

Afeef: Islamic scholar ma ahi, culumadana kama mid ahi. Waxaan ka hadlayaa waa uun aniga Faadumo ahaan sida ay qisadaasi ii caawisay in aan u hanto hankayga. Haku kadsoomin oo ha u qaadan tafsiirka aayadahaas sida ay aniga ii saameeyeen. Quraanku wuu ka qoto dheer mana aha wax qof kaste iska fasirto. Waana waxa ugu mudan in looga danbeeyo Rasuulka Ilaahay (SCW), saxaabadiisa, iyo culumada tafsiirka.

3 thoughts

  • Masha Allah wll Fatima.. Marka hore mahadsanid Eebbe hakaa ajarsiiyo qoraalkan quruxda ay udheertahay. aqoonta iyo taladu..
    qisaska qur’aankuna sida Eebbe uu isaguba marar badan iyo meelo kala duwanba uu inoogu sheegayo waxa ay inoo yihiin kuwo mudan in aynu ku dayano ka tuaale qaadano iyo kuwo qalbiga iyo niyada inoo dhisaya.. midkastana Ilaahay waxa uu si cajiib ah usawirayaa ama uu muuqaal toos ah uga bixinayaa qaabka ay ku dhacday iyo sida ay tiisii unoqotay Eebbe..

    aad ayaan uga faai’day wll qoraalkaagan rejadu ay ka buuxdo.. waana qoraal dabcan furfuran oo aanan adkayn fahanka guudna soo dhowaynaya ..meelo yaryar oo ay qoraalku xarfo kale ku jiraan way jirtaa lkn uma dhimayso macnaha guud waxba..
    Mahadsanid

Leave a Reply